Kulan La Sheegay Inuu Dhex Maray Gudoomiyayaasha Muuse Biixi Cabdi, Faysal Cali Waraab Iyo Nuxurka Uu Daaranaa Kulankaasi

0
1054

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in shalay galinkii danbe ee kulan xasaasi ahi magaalada hargeysa ku dhex maray gudoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo KULMIYE mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Faysal Cali Waraabe.

 

Waxaana ilahani ay noo sheegeen in ay labadan masuul ay ka wada hadleen go’aamada ay gudida diiwaangalinta ururada siyaasadu kasoo saareen khilafki xisbiga UCID, waxaan sidoo kale kulankan lagaga wada hadlay arimo badan oo khuseeya arimaha labada xisbi.

 

Sidoo kalean wararku waxay intaa ku dareen in gudoomiye Muuse Biixi Cabdi usoo bandhigay gudooamiye Faysal inuu isku soo sharaxo musharaxa jagada madaxwayne ee xisbiga UCID,madaama ay gudidu sheegeen in shirwayne qabsadaan lagu ansixinayo musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen.

 

Ilaa hada ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay kulankan ay wada yeesheen labadan masuul ee gudoomiye Faysal Cali Xuseen iyo Muuse Biixi Cabdi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here