Sahamiye Foundation oo $313,700 U Qaybiyay 761 Haween Danyar ah

0
842

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda waddaniga ah ee Sahamiye Foundation ayaa soo gabogabeeyay wejigii labaad ee lacagihii loo qaybinayey dumarkii danyarta ahaa ee khasaaruhu ka soo gaadhay gubashadii Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Lacag dhan $313,700 ayaa loo kala diray 761 qof oo isugu jira 410 toddobaadkii hore lacag loo diray iyo 351 toddobaadkan la gaadhsiiyey lacagahaa deeqda ah.

Hawshan oo la bilaabay laba casho kadib markii suuqu gubtay waxay caawisay dumarka danyarta ah ee aan sugi karayn inta guddiyadu bilaabayaan bixinta lacagaha.

Ganacsatada yaryar ee lacagaha helay waxay durba kordhiyeen dhaqdhaqaaqii ganacsi ee sida khudaarta oo aad hoos ugu dhacday markii suuqu gubtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here