Dowlad Deegaanka Soomaalida oo War Ka Soo Saartay Dhacdadii Tuulada Caleen

0
972

Jigjiga (Hargeisa Press) – Guddiga sare ee amniga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo yeeshay shir deg deg ah, ayaa waxaa ay go’aammo ka soo saareen dhacdadii tuulada Caleen.

Hoggaan ku xigeenka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida Maxamed Cali Daahir oo warbaahinta dowlad deegaanka la hadlay, ayaa waxa uu xusay in xukuumadda dowlad deegaanku ay goobtaas u dirtay ciidan dheeraad ah, si ay u sugaan amniga shacabka, islamarkaana ay u baacsadaan dablaydii soo weerartay tuulada Caleen ee laayay dadkii shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Hoggaan ku xigeenku waxa uu sheegay in Ciidamada deegaanka ee loo diray xuduudda degaanku la wadaago Galmudug, lagu amray inay xidhaan xadka islamarkaana ay xanibaan gawaadhida aan sharciga wadan ee u kala gudba labada dhinac, iyagoo ciidanku la wareegaya gaadhigii aan ka diiwaan gashanayn Itoobiya ama dowlad degaanka Soomaalida.

Sidoo kale, Hoggaan ku xigeenka, ayaa sheegay in ciidamada dowlad deegaanku amar ku qabaan inay la wareegaan hubka sharci darrada ah, aagaasna uu noqdo mid hubka ka caagan, oo haba yaraatee aan wax hub ah lagu wadan karin.

Xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegtay in lagu raad joogo dablaydii dhibaatada gaysatay oo qaarkood la qabtay kuwana la laayahay inta hadhayna lagu raad joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here