Safiir Baashe Cawil oo lagu Soo Dhaweeyey Caasimadda Kenya ee Nairobi

0
1374

Nairobi,(HargeisaPress) — Safiirka Somaliland ee Kenya u fadhiyi doona Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa maanta gaadhay magaalada Naribo ee Caasimadda dalka Kenya, waxaana si diirran u soo dhaweeyey Jaaliyadda Somaliland ee Nairobi ku dhaqan.

Safiir Baashe Cawil oo hore u ahaa Safiirkii Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Carabta, ayaa dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay inuu noqdo Safiirka Kenya u fadhiya Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore wareejiyey Xilkii Safiirka Imaaraadka oo uu ku wareejiyey dhiggiisa cusub ee Imaaraadka Madaxweynuhu u magacaabay, isaguna hadda waxa uu isu diyaarinayaa in lagu wareejiyo Xilka loo magacaabay ee Wakiilka Kenya.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here