Saddex Caruura oo Walaalo Ah oo Ku Geeriyooday-Roobab Ka Da’ay Berbera

0
823

Berbera (Hargeisa Press)- Saddex caruur ah, ayaa ku naf waayey daad ka soo rogmaday  Roobab xoogan oo ka da’ay deeganka xididaalay ee Degmada Laasciidle ee Gobolka Saaxil.

Saddexdan caruurta ah ee geeriyooday, ayaa waxaa la sheegay inay walaalo ahaayeen.

Geerida caruurta, ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys ka soo wada jeeda.

Roobabka, ayaa gelinkii dambe shalay iyo habeenimadii xalay ka dayey deegaankaasi.

Guddoomiyaha degmada laasciidle Aadan Cumar Cali, ayaa sheegay inay daadkan oo ka soo rogmaday buuralayda koonfurta Laasciidle inay sababeen dhimashada 3 caruur oo ku suganaa gurigooda oo ku yaalay baadiyaha deeganka xididaalay.

Sidoo kale, waxaa uu Guddoomiyuhu sheegay inay daadku qaateen Xoolihii oo ku jiraan Awrtii la raran-jiray.

Waxaa uu intaasi raaciyey inay daadkan ka badbaadeen ilaa shan qof oo kale oo ay qaateen.

Guddoomiyuhu, waxaa uu sheegay inay wadaan tira koob ku saabsan khasaaraha roobabku u gaysteen dadka reer guuraga ah ee deeganadaasi.

Caruurta geeriyootay, ayaa galabta lagu aasay deegaankii uu daadku ku qaaday, waana khasaarihii ugu waynaa ee ilaa hada ay gaystaan roobabka gu’ga ee ka curtay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here