Israa’iil oo Weerar Gantaalo Ah Ku Qaaday Iran

0
377

Tehran (Hargeisa Press)- Israa’iil, ayaa weerar gantaal ah waabarigii hore ee Jimcaha maanta ah ka fulisay gudaha Iran, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka, iyada oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin.

Warbixinnada shabakadaha ABC, CBS iyo NPR ma ayna bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta ama bartilmaameedka gantaalaha Israa’iil.

Afhayeen u hadlay milateriga Israa’iil, ayaa sheegay in aanu wax hadal ah “xilligan” ka bixin karin wararka warbaahinta Mareykanka, saacad kadib markii ay soo baxeen wararka.

Wakaalladda Wararka Iiraan ee IRNA, ayaa sheegtay in difaaca cirka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah laga hawl galiyay hawada sare ee dhowr gobol.

IRNA iyo wakaaladda wararka dowladda ee Fars, oo xidhiidh la leh Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa soo xigatay ilo wareed aan la magacaabin, iyagoo sheegay in qarax uu ka dhacay gobolka Isfahan ee bartamaha Iran.

Israa’iil, ayaa uga digtay Iran inay ka aargoosan doonto duullaan aan hore loo arag oo Iran ay ku qaadday dhulka Israa’iil Axaddii hore.

Iran, ayaa iyaduna ka digtay in weerar kasta oo aargoosi ah oo Israa’iil ah lagala kulmi doono jawaab degdeg ah oo adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here