Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland iyo Saraakiisha Dowladda Ingiriiska?

0
1251

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax iyo dhamaan masuuliyiinta Hay’adda, ayaa xafiiskooda ku qaabilay masuuliyiinta xafiiska dawladda Ingiriiska ee Somaliland, kuwaasi oo dalka ku sugan.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, oo ay wehiliyaan Guddoomiye ku xigeenka iyo Agaasimaha guud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiinta xafiiska dowladda Ingiriiska ee Somaliland oo booqasho ku yimid Hay’adda Shaqaalaha Dowladda.

Guddoomiyaha, ayaa uga warramay barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha dawladda ee Hay’adda Shaqaaluhu ay wadday sannadahan dambe iyo gaar ahaan samaynta siyaasadaha iyo xeerarka lagama maarmaanka u ah maamulka shaqaalaha dawladda.

Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska, ayaa iyaguna sidoo kale Guddoomiyaha warbixin ka siiyay Hawlaha ay ka qabtaan Somaliland iyo taageerada ay siiyaan dowladda iyo Shacabka Somalilandba, waxaanay warbixintooda ku dareen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Hay’adda shaqaalaha dowladda iyo xafiiska Somaliland ee dawladda Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here