Sacuudi Carabiya oo Mamnuucdey Xujayda Ajaanibka Ah

0
1088

Riyadh (Hargeisa Press)- Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta hakisay Cumrada iyo Dalxiiska ay dalkeeda ku iman jireen ajaaniibta dalalka uu ku fidayo cudurka Coronavirus.

Boqortooyada, oo ay ku yaallaan labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nebiga (NNKH), ayaa sanad kasta waxaa yimaada malaayiin qof.

Bishii October waxay soo saartay Visa cusub oo dalxiis oo la siinayo dadka 49 dal.

Wasaaradda arrimaha dibdda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hakinta ay tahay mid wakhti kooban ah, hase yeeshee ma shaacin xilliga ay ku eg tahay.

Ma cadda, haddii go’aankan uu sameeyn doono Xajka oo sanadkan ku beegan dabayaaqada bisha July.

Waxaa sidoo kale la hakiyey soo gelitaanka dadka u socda inay booqdaan masjidka Nebiga (NNKH) ee Medina.

Sacuudi Carabiya weli laguma rag wax kiis ah oo la xidhiidha cudurka Coronavirus, hase yeeshee waxa uu kuu fidiyaa dalalka deriska la ah

Wasaaraddu ma ayna shaacin dalalka uu dadkooda saameyn doono go’aankan, hase yeeshee waxay sheegtay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay go’aan ka gaadhi doonaa kuwa ugu halista badan.

Sarkaalka ugu sarreeya dalxiiska Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkan sheegay in 400,000 oo Visa ah lasoo saaray tan iyo bishii October markii la billaabay barnaamijka cusub ee Visa-ha.

Hadafka boqortooyada ayaa in dalka uu soo jiito 100 milyan oo dalxiisayaal ah sanadkiiba, marka la gaaro 2030.

 

Hargeisa Press Desk /Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here