Saaxil: Nin Qaba Xanuunka Dhimirka Oo Xalay Weeraar Ku Qaaday Maqaaxi Ku Taala Magaalada Sheekh Ee Gobolka Saaxil + Khasaaraha Ka Dhashay

0
793

Sheikh, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya  degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa sheegaya in xalay fiidkii abaaro 8-dii habeenimo uu nin maskaxda ka jiran ama qaba xanuunka dhimirka uu weerar kusoo qaaday maqaaxi lagu qaxweeyo oo ku taala magaalada sheikh.

 

Waxaana weerarkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,ninka soo qaaday weerarkan ayaa lagu magacaaba Cabdilaahi Cali Dhaqato isaga oo ninkani sida naloo sheegay ku hubaysnaa waran uu sitay kaasi oo uu dadka ku laayay.

 

Waxaana goobjoogayaal aan saaka la xidhiidhnay ay noo sheegeen in ninkani uu qudha ka jaray laba ruux halka uu shan kalena dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyay, waxaana sidoo kale ay goobjoogayaashani ay noo xaqiijiyeen magacyada dadka ninka maskaxda ka jirani laayay waxaanay kala ahaayeen

  • Maxamed Cawil Dhegjar(Ina Dhagjar) oo uu qudha ka jaray
  • iyo Gaaruf Jaamac Bacaleel iyo uu isna qudha ka jaray

 

Sidoo kale dadka dhaawaca halista ahi kasoo gaadhay weerarkan ayaa  waxa kamid ahaa Cabdi Wiindhe oo loola cararay dhinaca cisbataalka magaalada Burco ilaa hadana aan la ogayn xaaladiisu siday tahay.

 

Waxa kale oo uu dhaawacyo kala duwan  ninka maskaxda ka jirani gaadhsiiyay kadib markii boolisku eryadeen afar ruux oo sida la sheegay laba kamid ahi dumar yihiin oo uu iyagana waranka ku dhaawacay kuwaas oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo cisbataalka Degmada sheikh.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here