Rakaabka Usocdaala Galbeedka Somaliland Oo Siweyn Usoo Dhaweeyay Nidaamka Adeegyada Dadweynaha Ee Shirkada Star-Bus

0
1526

Tog-Wajaale,(HargeisaPress)-Dadweynaha usocdaala Galbeedka Somaliland,iyo Caasimada Hargeysa sida Tog-Wajaale Gabiley,Boorame iyo Hargeysa,ayaa Siweyn usoo Dhaweeyay Socdaalka Shirkada Gaadiidka Basaska Yaryar ee Caasiga ah  STAR-BUS

Iyadoo, Rakaabka Joogtada iyo Macaamiisha u Noqdey Shirkada Socdaalka iyo Safarka Ee SATAR-BUS ay ku Doorbideen Arimo muhiim u ah Dadweynaha oo ay Kamid yihiin  Sida ay Xooga u Saareen, Nidaamka Adeegyada iyo Masaaliixda dadka Rakaabka ah oo loo Sameeyo hawl fududayn iyo ixtiraam gaar ah, Sida Noolka oo Loo Tixgaliyo Qof Waliba halka uu ku Socdo, iyo Goobta uu Doonayo in la geeyo, Tusaale ahaana dadka ku Degaya Gabiley Marka ay Kasoo Raacaan Star-Bus Boorame AMA Hargeysa, Waxa laga qaadaa Lacag kayar ta laga Qaadayo, Rakaabka kusocda Hargeysa-Boorama iyo Boorama-Hargeysa iyo Hargeysa-Tog-Wajaale iyo Tog-Wajaale Hargeysa.

Geesta kale, tanaasulka,iyo ilaalinta Rakaabka Qofka Xanuunsanaya,qofka doonaya in Kaadi iyo Wixii kale ee lasoo dara in loogu hasiiyo Baabuurka Oo ay Xil Weyn iska samreen Dirawaliinta,iyo Maamulka Xafiisyada,iyo Shaqaalahooduba taas,oo ay u Muujiyaan Masuuliyad, iyo Hawsha ay iska Saaraan Macaamiishooda Rakaabka ah Taas,oo ay uga Markhaati Celiyeen Maasuuliyada iyo xilka ay iska Saraan Dadka Rakaabka ah ee had iyo jeer Raaca Basaska Satar-Bus lagu Soo Hiranayo Maalinba Maalinta Ka Dambeysa, islamarkaana, Lagu aamini Karo Masuuliyada Shacabka Rakaabka ah.

Shirkada Star ee Gaadiidka ukala Baxa Caasimada Hargeysa,iyo Magaalooyinka Gabiley,Boorame,iyo Tog-Wajaale iyadoo Dhawaan la Bilaabay haddana Maanta Waxey Mareysa heer ay Gaadiidkoodu kusoo Laba jeer Noqdaan Kuwii uga Horeeyay Socdaalka Galbeedka iyadoo,Sababta ugu Weyni Tahay, Maamulka iyo Nidaamka iyo Masuuliyada la Waafijayay Adeega Dadweynaha, maadaama Aanay Shirkada STAR Qiimaynin Lacagta iyo Kharashka ay ka Qaadanayaan Dadka Rakaabka ah haseyeeshee,ay Boqolkiiba Boqol Xooga Saaraan Adeegyada, iyo Dhameystirka Shaqada Dadweynaha Dhinaca safarka,dhinaca Alaabaha iyo Dhina kasta oo Adeegyada kale ah.

SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here