Raila Odinga Oo Ku Baaqay In Somaliland La Aqoonsado 

0
566

Nairobi (HP): Raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Amolo Odinga, ayaa ugu baaqay wadamadda beesha caalamka ururka Midawga Afirka iyo Qaramadda Midoobay in ay aqoonsadaan Somaliland.

Waxaanu sheegay in loo baahan yahay in dunidu ay ku baraarugsanaato in aanay suurto gal ahayn in mar danbe la isku keeno oo  ay midoobaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaa awgeed na ay tahay in loo aqoonsado Somaliland, isla markaana la ogaado in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba wadan oo kala madax banaan.

Raila Amolo Odinga, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay munaasibad casho sharaf ah oo uu magaaladda Nairobi ugu sameeyay weftiga uu hogaaminayay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ee booqashadda ku jooga dalka Kenya.

Raila Odinga, ayaa hadda ah Ergayga gaarka ah ee ururka Afrika u qaabilsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Raysal wasaarihii hore ee Kenya, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dheer ay wadaagaan jamhuuriyadda Somaliland dawladda Kenya, oo uu sheegay in ay labadda wadanba wada gumaystay boqortooyadda Ingiriisku.

Iyadoo ay weli dalka Kenya ku nool yihiin dad asal ahaan ka soo jeedda Somaliland. Waxaanu yidhi, “Waxaan ku faraxsanahay in aan soo dhawayno martidda inooga timid Somaliland. Kenya iyo Somaliland waxaa ka dhexeeya taariikh dheer. Labadaba waxaa gumaysan jiray Ingiriiska. Hadda Kenya waxaa ku nool, dad reer Kenya ah, oo asal ahaan ka soo jeedda Somaliland”.

Raila Odinga, waxa kaloo uu ka sheegay in shacabka Somaliland ay dhibaato u gaysatay dawladii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, iyadoo diyaarihii dawladaasi ay duqeeyeen dadka rayidka ah eek u nool magaaladda Hargaysa.

Waxaanu tilmaamay in ay weli magaaladda Hargaysa ka muuqato dhibaatadii ay diyaaradahaasi u gaysteen shacabka, isla markaana dhawr jeer oo uu booqashooyin ku yimid Somaliland inuu indhihiisa ku soo arkay qalfoofka dadkii lagu laayay gantaalihii cuslaa.

“Waxaa jirtay in mar aan Hargaysa tegay, in aan soo arkay dhibaatadii uu dalkaasi Somaliland soo maray. Colaad sokeeye ayaa dhacday, balse waxaa jirtay in diyaaradihii milateriga ee Miigga ahaa, ee ka duulayay garoonka magaaladda Hargaysa, oo ay duqaynayeen dadkii rayidka ahaa ee magaaladaasi deganaa” ayuu yidhi Odinga.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Gantaallo culus ayay u adeegsanayeen. Weli na waxaad arki kartaa qalfoofka dadkii lagu laayay gantaalladii halkaa laga soo tuuray. Markaa Somaliland waxay soo martay taariikh murrugo leh”.

Geesta kale Raila Odinga, ayaa tilmaamay inuu isagu dhawr jeer qadiyadda Somaliland kaga hadlay fagaareyaal caalami ah, sida xarunta daraasaadka caalamiga ah ee Chatham house oo ku taalla magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Waxaanu ka dalbaday Qaramaddda Midoobay iyo midawga Afrika ba in ay aqoonsadaan Somaliland oo uu ku tilmaamay in ay tahay  xaqiiqo aan la iska indho tiri Karin.

Isagoona  si gaara fariin ugu diray ururka Midawga Afrika oo uu ugu baaqay in ay furaan dood ku saabsan arrinta qadiyadda gooni isu taaga jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu yidhi, “Waxaa jirtay in aan dhawr jeer ka hadlay fadhiyo caalami ah. Waxaan ka hadlay Qaramadda Midoobay, iyo sidoo kale machadka Daraasaadka Chatham house, ee London. Waxaan u sheegay, oo aan haatana ku celinayaa in Somaliland ay tahay xaqiiqo aan la inkiri Karin.

Dunidu na waa in xaqiiqadaasi ay ku baraarugto, oo la ogaado in Somaliland ay sii jiri doonto, oo ay dal sii ahaan doonto, oo qof kasta u roon tahay in sida ugu dhakhsaha badan ay Qaramadda Midoobay u aqoonsato arrintaasi”.

Dhinaca kale Mr. Raila, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay jiri karaan dawlado dhibsan doona hadalkiisa, isla markaana lagu eedayn karro in uu faro geliyay siyaasadda arrimaha gudaha ee wadan madax banaan.

“Waan ogahay in arrintan aan la soo dhawayn doonin, oo la igu eedayn doono in aan farro-gelin ku sameeyay arrimaha gudaha ee wadan madax banana.  Balse arrintan ayaa ah in Midawga Afrika uu ka hadlo.

Midawga Afrika waa inuu furraa dood ku saabsan arrinta Somaliland, sidii arrintii Zahraawi oo kale.  Midawga Afrika waa inuu ogaadaa xaqiiqadda ah, in aanay suurto-gal noqonaynin in mar danbe Somaliland iyo Soomaaliya la isku keenno. Sidaa awgeed na ay tahay in loo aqoonsado laba wadan oo kala madax banaan.

Anigu uma hadlayo dawladda Kenya, ee waxaan u hadlayaa Raila ahaan” ayuu yidhi raysal wasaarihii hore ee Kenya Railla Odinga.

Sidoo kale munaasibadii casho sharafta ahayd ee uu Raila Odinga u sameeyay weftiga uu madaxweynaha Somaliland hogaaminayo waxaa ka qayb galay qaar ka mida jaaliyadda reer Somaliland ee degan dalka Kenya.
Xildhibaano iyo masuuliyiin kaloo ka kala tirsan dawladaha Somaliland iyo Kenya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here