Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

0
583

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta ansixiyay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.
Kaasoo muddo hor yaalay golaha, isla markaana ay xildhibaanadu dood iyo falan qayn ka yeesheen.
Xeerkan waxaa loo adeegsanayaa dhamaanba xidhiidhka shaqo ee ku salaysan heshiis shaqo ee ka dhexeeya loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland.
Sidoo kale xeerkani waxaa lagu dhaqayaa shaqaalaha rayidka ah ee u dhashay Somaliland iyo muwaadiniinta haayadaha iyo ururadda caalamiga ah.
Sida uu shheegay ku-xigeenka xoghayaha golahha Wakiiladda Jamaal Jaamac Jiir, oo ka hor intii aan codka ansixinta loo qaadin xeerkaasi golaha ka hor akhriyay.
Dhinaca kale xeerkani ayaanan lagu dhaqaynin shaqaalaha dawladda, ciidamadda kala duwan qaranka iyo ciyaartooyga.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here