Qoxoonti Ka Soo Cararay Colaadaha Yemen Oo Berbera Soo Gaadhay

0
610

Berbera (Hargeisa Press.com): Dooni siday 125 qof oo qoxoonti Soomaali ah oo ka soo cararay colaadaha ka aloosan dalka Yemen ayaa Khamiistii shalay soo gaadhay  dekadda magaaladda Berbera.

125-kan qof ee qoxoontiga ah ayaa isugu jiray Dumar, Caruur iyo Ragg, kuwaasoo doonta siday ay Arbacadii todobaadkan ka soo ambabaxday dekadda magaaladda Cadan ee dalka Yemen.

Sida ay sheegtay hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha qoxoontiga ee UNHCR.

Dadkaasi qoxoontiga ah ee Berbera soo gaadhay ayaa isugu jiray Soomaali ku dhalatay dalka Yemen iyo kuwo waalidkood ay qaxootinimo halkaasi ku geeyeen. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Geesta kale ma jiro wax war ah oo ay imaanshiyaha Berbera ee qoxoontigan cusub ka soo saareen masuuliyiinta Somaliland, marka laga reebo warka UNHCR.

Ma aha markii u horaysay ee qoxoonti Soomaali ah oo isugu jiray kuwo u dhashay Somaliland iyo kuwo ka soo jeedda Koonfurta Soomaaliya oo ka soo cararay dagaaladda Yemen ay yimaadaan Somaliland.

Waxaana jirtay in marka muddo todobaadyo ah dadkaas qoxoontiga ah lagu nasiyo xeryo ku-meel gaadh ah oo looga sameeyay Berbera in kuwa u dhashay Koonfurta Soomaaliya laga caawiyo sidii ay goboladoodii u tegi lahaayeen.

Dhinaca kale qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 4,300 ruux oo Soomaali ah oo qoxoonti ku ahaa dalka Yemen ay dib ugu celisay Soomaaliya tan iyo sanadkii 2017-kii.

Barnaamijkaas oo  ay fududaysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, oo kaashanaysa hay’adaha arrimaha bani aadnimada ka shaqeeya iyo  masuuliyiinta Yemen ayaa marar badan dib ugu celiyay qaxootiga ku go’doonsanaa dalka Yemen.

Ilaa iyo 33 jeer ayaa safari lagu qaaday qoxoonti Soomaali ah oo ay qabanqaabisay UNHCR tan iyo sandkii 2017-kii.

Waxaana dib u celinta qoxoontigaasi gacan ka gaysatay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here