Su-Duwaha Wasaarada Caafimaadka Gobalka Sool Oo Maalmihii U Danbaysay Kormeer,Tababar Iyo Daawo Qaybin Ka Waday Deegamada Hoos Taga Gobalka.

0
1247

Isuduwaha wasaarada caafimaadka gobalka sool Mudane Maxamuud Khaliif Faarax ayaa maalmahanba ku jiray safaro joogta ah oo ku gaala bixinayay xaalada caafimaad ee guud ahaan gobalkan, safarkan ayaa ahaa mid aan hore looga baran wasaaradan kaas oo ujeedkiisu ahaa xaalwaraysi deegaan, kormeerid sida looga shaqaynayo laamaha caafimaad ee deegamadaas iyo taakulo geyn iskugu jirtay daawooyin iyo qalabyada caafimaadka.

Deegamada safarka lagu maray ayaa kala ahaa:-Xudun, Lafawayne, Guumays,  Yagoori, Adhicadeye, Yayle, Shululux, Goljano, Ceegaag. Xidhxidh, Dhumay, Dabataag, Dharkayn. Saaxdheer, Kalabaydh. Karindabaylwayn, Qorilay. Karingarfod, Boocame, Tukaraq, iyo Gambadhe.

Isuduwaha wasaradan ayaa ah shaqsi dhalinyaro ah oo firfircoon aqoonta caafimaadkana ka gaadhay heer sare ayaa intii badnayd dhamays tiray tabashada adeegyadii caafimaad ee gobalkan ka jiray.

Mudane maxamud khaliif ayaa dardargeliyay siminaaro cilmi korarsina u qabtay dhamaan shaqaalaha hoose ee wasaaradan sidoo kalena ku amray in ay si joogta ah u shaqeeyaan wakhti kastana laga helo xarumahood.

Cusbitaalka magaalada laascaanood iyo dhamaan MCHyada deegamada hoostaga gobalkan ayaa 24 sacdoodba furan hayana shaqadoodii caadiga ahayd.

Waxa kale oo isuduwuhu halgeliyay in si tacaawin ah loogu baadho loona daaweeyo dhamaan dadka aan awoodi karin kharashka baadhista ee dadkaas.

Horumarka ka socda laamaha caafimaadka gobalkan ayaa ah kuwo la taaban karo aadna loogu amaanayo masuulkan madaxa u ah wasaaradan.

Mahadoo dhan Alle ayay u sugnaatay marka labaadna waxa mahadin iyo taageero mudan isuduwaha wasaaradan oo ah shaqsigii dardargeliyay dedaalka midhihiisu ay usoo go’een gobalkan.

Sharma’arke faarax diiriye 

Email: sharmo4415@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here