Qoraaga Caanka Ah Ee Nuuradiin Faarax oo Noqday Soomaaligii U Horeeyay Ee Loo Xusho Ka Mid Noqoshada Akadamiyada Farshaxanka iyo Sayniska Ee Mareykanka

0
1788
Nuruddin Farah is the author of 11 novels, including Maps, Gifts and Secrets. He is a professor of literature at Bard.

Washington (Hargeisa Press)- Qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Nuurdiin Faarax ayaa ka mid noqday Akadamiyada Mareykanka ee xirfadaha kala gedisan sida suugaanta, sayniska iyo horumarinta danta guud.

Akadamiyadaas oo ah tan ugu faca wayn oo ay ku kulmaan aqoonyahannada ayaa waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1780-kii,iyadoo dadka ku biira inta badan lagu xusho aqoonta iyo in uu yahay qofku mid wax faa’iido leh ku soo kordhiyay bulshada .

Nuurdiin Faarax ayaa ka mid noqnaya 276, qof oo isugu jira hoggaamiyaal, arday saynisyahano, iyo dad ku xeel dheer farshaxanka kuwaas oo loo xushay in ay Akadamiyada oo lagu magacaabo American Academy of Arts and Sciences xubin ka noqdaan.

“Dareenkeygu waxaa weeye intaas oo sano maadama aan soo dadaalayay in ay noqoto dedaalkii midho dhalka wanaagsan in aan ka gaadhay ” ayuu yidhi Qoraa Nuuradiin Faarax.

Akadamiyadan Farshaxanka iyo Sayniska Mareykanka, ayaa ah xaruun qofka lagu qiimeeyo dhowr waxyaabood sida in uu yahay shaqsi aad looga qaddariyo bulshada dhexdeeda isla mrkaana lagu qanco shaqada uu qabtay iyo heerka aqoonta.

Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha xaruuntan dadka ku xulato in qofku uu sameeyay waxyaabo dhaxal noqon kara oo ay ka faa’iideysan karaan jiilasha dambe iyo aragti dheer oo ka qayb ka qaadan karta haggaajinta caqabadaha u baahan xalinta.

“Soomaalida waxey u soo kordhineysaa in wiilka ama gabadha yar ee hadda bilaabay in ay wax qoraan in ay ku hami karaan in Akadamiga Mareykanka ama Talyaaniga ama kan Faransiiska ama kan Carabta in ay ka qayb gali karaan meel ka sareysa meeshii u sareeysay ruuxii in uu gaadho in uu ku dayan karo Nuuradiinba waa sameyay anna waan sameyn karaa ” ayuu raaciyay Nuuradiin Faarax.

Nuuradiin ayaa ah qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo xusho in uu ka mid noqdo Akadamiyadan inta la ogyahay iyadoo lagu qiimeyay aqoontiisa iyo buugaagta uu qoray.

“Waxey isii dhiirogelineysaa wixii aan qoray awal wax ka wanaagsan aan qoray dadka aan hadda dhinac ordayo waa dadkii aduunkoo dhan loo maleynayo marka ay timaado qoraalka ” ayuu yidhi Nuuradiin .

Nuuradiin ayaa qorey buugaag badan oo ay ku jiraan kuwa ka hadlaya qisooyin ku saabsan Soomalaida iyo arrimaha bulshada sida jaceylka kuwaas oo uu ku qoray Af-ingiriisi.

Akadamiyadan Farshaxanka iyo Sayniska Mareykanka, tan iyo markii 1780-kii waxaa xubno ka noqday dad gaadhaya 13,500 oo qof oo ah dad lagu qiimeeyay dadaalkooda aqoontooda iyo horumarada ay ka gaadheen dhinacayada nolasha .

Tirdaas la xushay muddooyinka kala duwan kana soo jeeda wadamo kala duwan ayaa la sheegayaa in ay ku yaryihiin dadka Afrikaanka ah ee xubinta ka noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here