Shaqaalaha Amaanka Ee Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa oo Ka Gadooday Lacago Laga Musuq-maasuqay

0
2731

Hargeisa (Hargeisa Press)- Shaqaalaha ammaanka ee Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa maanta waxaa ay saameeyeen gadood cabasho ah.

Shaqaalahan garoonka diyaarada Hargeysa ayaa waxa ay ka gadoodeen islamarkaana ay cabasho xoogan ka muujiyeen lacago ay lahaayeen oo laga musuq-maasuqay.

Shaqaalahan oo la hadley Warbaahinta Hargeisapress, ayaa waxaa ay sheegeen in ay arrinta cabashadooda ay u sheegeen maamulka Hay’adda duulimaadyada hawada ee Somaliland.

Sidoo kale, shaqaalahan ayaa waxa ay sheegeen in cabashadoodaas markii ay waxka qaban waayeen maamulka duulista iyo hawadu ay u sii gudbiyeen dhanka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here