Silvia Romano oo Shaacisay In Ay Qaadatay Diinta Islaamka

0
2069

Rome (Hargeisa Press)- Silvia Romano, oo shalay dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kadib 18 bilood oo ay haysteen kooxda Al-Shabaab, ayaa shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay.

Silvia, oo ah Haweenay ka shaqeysa samafalka oo neovember 2018 laga soo afduubtay Kenya, ayaa Talyaaniga ka degtay iyada oo xidhan xijaab iyo dirac Soomaali, taasi oo dhalisay su’aalo ku saabsan inay islaamtay, waxayna xaqiijisay in sidaas ay dhacday.

Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu yimid bartamihii la haysashadeeda, islamarkaana uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo aan lagu qasbin.

β€œWaxaa la i weydiiyey inaan akhristo qur’aanka, kadibna waan ku qancay, anigaana doortay inaan qaato diinta Islaamka, oo ma ahayn mid la igu qasbay,” ayay tidhi Silvia Romano oo ay soo xigteen warbaahinta Talyaaniga.

β€œBilihii la i haystay waxaan sidoo kale bartay qaar ka mid ah luuqadda Carabiga, oo ay i bareen kuwii i haystay, waxaana mar walba la isiin jiray kitaabka qur’aanka oo aan akhrisan jiray.”

Silvia waxay sidoo kale sheegtay in aanu jirin wax guur ama xidhiidh ah oo ay la sameysay kuwii haystay.

β€œQaadashadayda diinta waxay ahayd mid ku timid si tartiib ah. Ma jirin wax guur ama xidhiidh ah oo aan la lahaa kuwii i haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayay tidhi Silvia Romano.

Waxa ay intaas ku dartay in sidoo kale loola dhaqmay si wanaagsan islamarkaana ayna ku xidhnayn qol, balse loo ogolaa inay dhaq-dhaqaaqdo iyada oo dusha sare lagala soconayo.

β€œWaxay ii xaqiijiyeen inaan la i dili dooni, balse meelo badan oo kala duwan oo weliba xaafado la degan yahay ayaa la ii wareejin jiray muddo kadibba,” ayay tidhi.

Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here