Qodobo aan jecelaystay in aan idinla Wadaago Qallinkii: Sahra Kiin Kaahin

0
1285

1.Dad badan oo ramadaantii hore inala soomay nasiibdarno Ramadaanta may helin fursadan oo kale qaar badan way dhinteen oo xaqii baa u imid, qaar kale way bukaan oo kama soo kici karaan sariirta qaarana way mashquulsanyihiin oo durufaha iyo hawlaha saaran uma saamaxayaan sida hooyada uurka leh ama jaqsiinaysa ama ummusha ah, qaar badana safar ayey ku jiraan. waa fursad dahabi ah oo aynaan ogeyn inaan dhammaysan doono oo ay innagu simi doonto tadanbe intayan kaa tagin wax kala tag aduu aakhiradaad iyo addunkaagaba ku nafaca.

 

2.Cibaaddadu waxay ugu macaantahay marka aad caafimaad qabto ama aad da’ yartahay bal sawirro adiga oo aan sujuudi karayan dhadhankii cibaaddada ayaa kaa maqan illahow naga yeel kuwa garta nimcooyinka aan xisaabta iyo xudduka lahay eed ku maneysatay.

 

3.Marka aad hortaagntahay qof baniaadma ah oo kula mid ah oo mansab haya sida madaxweynaha IWM si fiican baad jidh ahaan iyo maskax ahaanaba iskugu diyaarisaa waayo waxaad ogtahay qofka aad la kulmayso hadala fiicna waad sii diyaarsataa. Illahay markaad la kulmayso bal ka warran? Isku diyaari sida ugu fiican qalbigagga iyo gidigaaggba, salaadda ku raaxayso oo si tartiiba ah oo qushuucleh u tuko waa xidhiidhka u dhexeeya adiga oo addoon ah iyo eebbe. Markaad salaadda xidhantay adduunka iyo hawlihiisa dhabrka ayaad ka jeedisay kadibana illahay baad hadal la bilawday iyo kullan waliba daqiiqado koobana si fiican illahay ula hadal ku raaxasyo la hadalkiisa waxkasta ilow.

 

4.Ha u soomin waa la soomi jiroo oo cuntada ayaa laga soomaa waxkasta ka soon oo siday tahay u soon beenta, xanta, dhaarta, hadalka maalcyanigaa waxkasta ka soon hadda soonku waa sir adiga iyo illahay idinka dhexaysa maxaa ka weyn sir rabbi iyo adduunkiisa ka dhaxaysa siday tahay u sameee.

 

5.Hadduu madaxweynaha adduunka ugu sareeyaa kuu soo diro warqad ka warran maxaad dareemi lahayd halkeed ku akhriyi lahyed xitaa haddaanad akhiryi karyan qof aad aaminsantahay ayaad u tagi lahayd si uu kuugu akhriyo warqadaanna meesha ugu fiian eed waxa ugu qaalisan ku xafido ayaad dhigi lahayd ood waliba ku ilaalinlahayd, Laga yaabaa inta waaga barrigiisa ka hadhayna inanad seexateenaba. Subxaanallaah! Akhriste bal ka warran haddaba buugga uu illahay kuu soo diray oo noloshaada oo dhan ah haddaad qaadato wax kale umma baahnid waano kale iyo waddaad toona cadaabna waad ka badbaadi oo rabbi baa kugu abaal marin Janno. Qur’aanka kariimka ah waa hadalkii illahay SK innoo soo diray illahay baa kula hadlaya oo kuu soo diray markaad akhriyeyeso muhiimadu maaha inta baal eed akhirday iyo inta jeer eed khatintay waa halka bog eed akhriday sidaad ugu raaxastay ugu qushuucday u dhadhamisay u macaasnataay u fahantahay oyday oo haddanad ooyin iska oysii is dhadhanksii wixii adduuunka ugu wanaagsanaa baad akhriyeysaa waa hadalkii illahay hadaad sideeda u khrido ood u fahnto wallahai uma baahnid inaad cid kale waano iyo wax waydiiso. Allahu akbar.

 

6.Markaan Illahay u mahadcelino isaguna uu innoo siyaadin mahadnaqu maaha oo kaliya inaad tiraa illahow adaa mahadaa leh ee waxa weeyaan inaad garto waxa uu ku siiyey kadibana aad ka faa’idaysato. Fursadan aaad haysto inbadan may helin waxaad joogtaa dhul nabad ah oo xor ah waxaad awood u leedahay makaaniyaadkii oo dhan tusaale. Masaajidkii oo ah halkaan u socodo rag iyo dumarba taraawiix iyo taajudba waad tagi kartaa adoo ammni haysta dadbana ma haystaan tan waa nimco aad dheertahay ka faa’idayso fadlan qaarbadan qurbe iyo dhul shisheeye ayey ku noolyihiin oo laga yaabo inaanu masaajidba ku ool qaar kale hadday hasytaan ma awoodaan inay gaadhaan qaar meel colaada ayey ku noolyiin qaarna mii ayey ku noolyiihiin si balaadhan u feker eeg illahay mahadi oo ficil ugu mahadi rabbi ha ina garnasiiyo waxaan haysano hana inaga yeelo kuwii ka faa’idaysta.

 

7.Adduunka waxa uug liita qofka bashar la mid ah u cawda een illahay u caban haddaad cabanayso rabbi u cabo, hadaad baahantahay isaga bari oo waydiiso waxaad rabto inta hasyataba isagaa siiyey oo u bari sida ay tahay. Marka aad qof kula mid ah oo alle waxsiiyey aad wax u doonanayso waxaad ula hadashaa si fiican waa amaantaa. Illahay amaan weynee aamin inuu kalidii ku siin karo gacmaha hoos qabso kadiban barri rabbina uu kuu aqbali.

 

8.Soonka, salaadda, sadaqada, iyo camal kasta ood samaynayso adiga uunbaa ay wax kuu tarayaan illahay waxana ugu kordhinmaysid waxna kaga reebi maysid. Laakiin adigu haddaad iska dayso waa wax kaa go’an ood cadaab rabbi ku mutaysan haddaad samaysano waa wax kuu biiray ood janno rabbi ku heli illahay idamkii. Rabbi ha inaga aqbalo acmaasheenna oo ha innagu abaal mariyo aakhiro iyo adduunba

.

9.Acmaasha iyo khairka kuwa kaa sareeya eeg oo hiigso lana tartan, adduunyadana kuwa kaa hooseeya eeg nimcada aad haystana eebbe ugu mahadceli.

 

10.Illahay qulubteena ha kayeelo qaar ku beddelma bishan barkaysan ee Ramadaan oo dabadeed la arko gedis ku imid guud ahaan ee aanay noqon qaar sida dabayshu u dhaafto iyaga oo halkii uun taagan.

 

Ramadaam Mubaarak!!!

 

 Sahra Kiin Kaahin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here