Qaraxyo Xoogan oo Gilgiley Magaalada Beledweyne

0
807

Beledweyne (Hargeisa Press) – Faahfaahino dheeraad ah, ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo maanta gilgilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kuwaas oo ahaa ismiidaamiin.

Qaraxyada oo ahaa saddex, ayaa waxaa loo adeegsaday gawaadhi nooca xamuulka qaada, waxaana lagu weeraray xerada Lama Galaay oo ay ku taalla Madaxtooyada HirShabelle.

Dad goobjoogayaal ah, ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta, halka qaraxa labaad uu isna ka dhacay gudaha dhismaha la weeraray.

Wararka, ayaa sheegaya in dhimashada ay haatan gaadhayso illaa 10 qof oo isugu jiro mas’uuliyiin, askar iyo dad kale oo shacab ah.

Mas’uuliyiinta geeriyootay waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka HirShabelle Dr. Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda Hiiraan Abuukar Maadeey, halka ay dhaawacyo soo gaadheen taliyaha ciidamada Daraawiishta HirShabelle Axmed Dirir iyo guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire.

Geesta kale, waxaa goordhaweyd magaalada Baledweyne ka dhacay qaraxii sadexaad oo Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Wararka soo baxaya, ayaa sheegaya in gaadhiga inta aanu qarxin in ciidamada dowladda ay rasaas kala hortageen gaadhiga kadibna uu ku qarxay inta u dhaxeysa Saldhiga Magaalada Baledweyne iyo Xerada Lamagalaay oo Maanta laba qarax oo Ismiidaamin ah ka dhaceen.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in qaraxan oo ah kii sadaxaad inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaadhay dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qaraxa ka dhacay oo ah bartamaha Baledweyne, hayeeshee lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay gaadhiga qarxay inta uu dhan yahay.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan, waxaana afhayeenka maleeshiyada kooxdan Cabdicasiis Abuu Muscab uu sheegay inay ahaayeen kuwa is-miidaamin ah.

Qaraxyadan, ayaa imanaya saacado kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in hawlgal ay ku dishay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa saraakiisha u sareysa Al-Shabaab, Mareykankuna uu madaxiisa saaray 3 milyan oo dollar.

Mareykanka kama hadal weli inay ka qaybgaleen hawlgalka lagu dilay saraakiisha u sareysa Al-Shabaabka.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaan xaqiijin islamarkaana beenin in la beegsaday Cabdullaahi Nadiir oo sidoo kale loo yaqaan Cabdullaahi Yare.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here