Somaliland oo Xisbiga Hoggaamiya Dalka Ingiriiska U Bandhigtay Qadiyadeeda

0
2142

London (Hargeisa Press) – Dowladda Somaliland, ayaa waxaa ay ka qayb gashay shirweynaha xisbiga muxaafidka ah ee hoggamiya dalka Ingiriiska ee Conservative-ka oo ka dhacay magaalada Birmingham ee dalka UK.

Shirweynahan, ayaa waxaa Somaliland uga qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa khudbad dhimacyo badan taabanaysa ka jeediyay dood cilmiyeed ku saabsanayd Somaliland oo loogu magac daray “Somaliland – An African Success Story”.

Wasiir Ciise Keyd oo dood cilmiyeedkaasi loogu magac daray “Somaliland – An African Success Story”. , ayaa waxaa uu ku soo bandhigay qadiyada Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay.

Wasiir Keyd, ayaa madaxda xisbiga muxaafidka ah ee hoggamiya dalka Ingiriiska ee Conservative-ka, u bandhigay sida ay Somaliland ugu baahan tahay in qadiyadeeda lagu barbar istaago.

Wasiirka, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitter-ka, kaasoo u dhignaa sidatan, “Waxa aan maanta la wadaagay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku saabsan aayo ka tashiga shirweynaha xisbiga muxaafidka ah ee UK ee ka socda Birmingham oo qayb ka ah dood cilmiyeed loogu magac daray “Somaliland – An African Success Story”. ½.

May be an image of 7 people and people standing

May be an image of 6 people, people standing, indoor and text that says 'CHURCHILL THEATRE CHURCHILL THEATRE'

 

May be an image of 4 people, people standing and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here