Qaabkii Ay U Dhacday Doorashadii Hogaanka Xisbiga Kulmiye

0
1714

Hargeisa (Hargeisa Press)- Waxaa maalintii labaad galay Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.

Shirweynaha ayaa waxaa ku sugnaa 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga Kulmiye.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga.

Sidoo kale, ergada ayaa cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.

Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay.

Hoos ka daawo qaabkii ay u dhacday doorashadu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here