Haweenka oo Qoondo Goboleed Laga Siiyey Golaha Dhexe Ee Kulmiye

0
1843
Hargeisa (Hargeisa Press) – Haweenka Somaliland ayaa waxaa maanta qoondo goboleed laga siiyay golaha dhexe ee Xisbi xaakimka Kulmiye.
Qoondadan haweenka la siiyay ayaa lagu shaaciyay Shirweynahii Afaraad ee Xisbiga Kulmiye ee maanta oo galay maalintii labaad.
Ergooyinka Shirka ka qaybgalay, ayaa dood ka yeeshay qodobada ajandaha Shirka ee dhinacyada Xeerka iyo dhismaha Golaha dhexe.
Dood iyo falanqeyn kaddib, waxa ay Ergadu u codeeyeen in tirada xubnaha Golaha dhexe sidoodii lagu daayo oo aan waxba laga bedelin, taasoo dhan 241 xubnood oo ka imanaya Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland.
Xubnaha ka imanaya Gobolada ayaa Haweenku gobol kasta ku yeelan doonaan qoondo 20%.
Sidoo kale, waxa Shirweynuhu isbedel ku sameeyey qaabka uu ku imanayo xoghayaha guud ee xisbiga oo markii hore kamid noqon jiray hogaanka Xisbiga, hase yeeshee hadda ku imanaya hab magacaabis ah.
Shirka oo ay ka qaybgaleen in ka badan kun iyo laba boqol oo Ergay, ayaa maalinta beri ah la soo gabagabayn doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here