Madaxweyne Biixi oo Caddeeyay In Aanu Mar Danbe Isu-soo Taagi Doonin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

0
3155
Hargeisa (Hargeisa Press) –Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu caddeeyay in aanu mar danbe isu-soo taagi doonin guddoomiyenimada xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Madaxweyne Biixi waxaa uu sheegay in isaga oo aan tartameyn oo odayaasha xisbiga ka mida uu ka soo qayb geli doono shirarka danbe xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi .”Waxaan doonayaa in aan caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE labadiiba waan isu taagay, waana la ii doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii ALLE caafimaad innagu gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirim in aan xisbiga ka mid noqon doono.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here