Prof Cali Khaliif Galaydh Oo Maanta Laascaanood Ka soo Dagay + Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Tirsan Oo Kusoo Dhaweeyey Iyo Dabley Abaabulan Oo U Diiday Inay Ka Dagaan Garoonka Magaalada Buuhoodle + SAWIRRO

0
1413

Laascaanood,(HargeisaPress) —Waxa maanta garoonka diyaaradaha  ee magaalada Laascaanood kasoo dagay horjoogaha kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii uu hogaaminayey ee kooxda Khaatumo wada hadalka dawlada Somaliland uga qayb galay dalka Djibouti.

Waxaana waftigan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kusoo dhaweeyey gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo wasiiru dawlaha Waxbarashada Somaliland oo labadooduba kamid ahaa waftigii dawlada Somaliland u matalayey wada hadalkii dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa masuuliyiintan kusoo dhaweeyey magaalada Laascaanood uga mahadceliyey sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyeeen.

Waftigan uu hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galaydh ee ka socda kooxda Khaatumo ayey dhawaan ahayd markii ay dabley hubaysan oo ciidan ahi ay u diideen inay ka duulaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Buuhoodle iyaga oo sidoo kalena diiday inay kasoo dagaan garoonka,waxaana taasi ay sababta in horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo waftigii uu hogaaminayey ay kasoo dagaan magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here