ONLF Iyo Madaxweynaha Cusub Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Iyo Oo Heshiis Ku Dhex Maray Addis Ababa

0
808

Addis Ababa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida iyo madaxda sare ee jabhadda ONLF ayaa kulamo ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaanay ku gaadheen heshiisyo hordhac ah.

4Afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Hir-mooge Caddaani oo ka war bixiyay kulamada ay la qaateen madaxweynaha cusub ee dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cumar, ku sheegay inay isla af garteen inay si wada-jir ah u qabtaan shirweyne is-cafin ah, isla markaana lagu mideynayo Soomaalida deegaanka, maamulka cusub iyo jabhadda ONLF.

Cabdiqaadir Hir-mooge Caddaani oo shalay u warramay idaacadda BBC-da qaybteeda afka Soomaaliga ayaa ugu horreyn sheegay inay wada-hadallo u socdaan jabhadooda iyo dawladda dhexe ee Itoobiya, waxaanu yidhi, “Shirarka ka socda Addis Ababa ee aayaha deegaanka Soomaalida lagaga tashanayo waxaanu kaga jirnaa ONLF ahaan inaanu dawladda dhexe ee Itoobiya oo aanu wada-hadallo gogol-xaadh ah ku wada jirnay, kuwaasoo bilaabmay muddo saddex toddobaad ka hor ah oo ay bilaabeen aqoonyahanno iyo xubno firfircoon oo ka tirsan ONLF oo Mareykanka ka yimmi, iyo weftigii xabad-joojinta ee jabhaddu soo dirtay ayaa ku xigay, kulamo hordhac ah oo gogol-xaadh ah ayaa iyaga iyo dawladda dhexe ay yeesheen”.

Afhayeenka jabhadda ONLF ayaa sidoo kale sheegay inay madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ay isku aragti ka yihiin inay wada sameystaan maamul loo dhan yahay, “Dawladda gobolka iyo ONLF si fiican bay isu afgarteen, dawladda dhexe iyo ONLF wada-hadalkoodiina si fiican ay u socdaan, waxaana xigi doona wada-hadallada masiiriga ah oo dhawaan bilaabmi doona, iyaguna inay fiican u bilaabmaan oo natiijo fiican la isla gaadho ayaanu rejaynaynaa”. Afhayeenku waxa uu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii watta, “Wufuudda ka yimmi dawladda gobolka waanu is-aragnay, waananu wada xaajoonay, waxaanu ku heshiinay in dadka Soomaaliyeed la mideeyo, shirweyne is-cafin ahna la qabto, shacab, jabhad iyo maamul wada-shaqeynayana aanu diyaarino, sidaasi awgeed Madaxweynaha cusub ee la doortay Mustafe Cumar waanu is-aragnay, waanu is-afgaranay danta shacabka Soomaaliyeed isku aragti baanu ka noqonay. Wada-shaqeyn baanu ku heshiinay, wada- hadallada noo socda dawladda dhexe iyo ONLF oo bilaabmi doona ayey wax badani ku xidhan yihiin, laakiin  weftiga iyo madaxweynahaba si fiican baanu isku afgaranay”. Ayuu yidhi Afhayeenka ONLF.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here