Nuxurka Kulan ay Yeesheen Madaxda Komishanka Xakammaynta HIV/AIDS-ka iyo Culimada Somaliland

0
946

Hargeysa (HargeisaPress)- Masuuliyiinta Komishanka Xakammaynta HIV/AIDS- ee SOLNAC ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan la qaatay bahda Culimada Somaliland, kaasoo ah kulan sannadkiiba mar qabsooma oo la iskaga xog-waraysto xaaladda xannuunka AIDS-ka ee dalka Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Hudheelka Maansoor ee Caasimadda Hargeysa Maanta, waxa ka qaybgalay Agaasimaha Wacyigelinta Komishanka Xakammaynta Heer Qaran ee HIV/AIDS-ka Eng. Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim, saraakiil kala duwan iyo culimada waaweyn ee dalka Somaliland, iyadoo ay labada dhinac ka wadahadleen khatarta xannuunka HIV/AIDS-ka, sida loo xakammayn karo iyo siyaabaha looga hortegi karo in faquuq lagula kaco dadka la nool fayraska HIV-ga.

Agaasime Muxuyadiin Yuusuf Ibraahin oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay muhiimad weyn leedahay inay Komishan ahaan mar walba la tashadaan culimada dalka iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland, waxaannu yidhi; “Shirkani waxa uu daaran yahay si aynu iskula eegno arrimihii halkan aynu hore ugu falanqaynay, waana shir sannadle ah oo sannadkiiba hal mar ayey culimada iyo Komishanku isugu yimaadaan inay iska waraystaan halka uu xaal marayo.”

Waxaannu intaas ku daray; “Komishanku waxa uu qaranka u qaabilsan yahay xakammaynta xannuunkaas HIV/AIDS-ka ee dilaagga ah, waana xannuun aan dawo lahayn ama dawadiisa aan la shaacin oo aanay soo bixin. Mushkiladaha uu leeyahay waxa weeyaan inuu dadka u kala gudbi karo oo qofku xannuunka gaadhsiin karo qofka uu jecel yahay, innaguna waxa aynu ka mid nahay dadyawga uu aafeeyey, waxaannu xannuunkaasi bulshada ku gaadaa war-moogi, haddii aan khatartiisa iyo sida la iskaga ilaaliyo aan bulshada la gaadhsiina in badan ayuu saamaynayaa.”

Agaasime Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim, ayaa sidoo kale iftiimiyey waxyaabaha looga baahan yahay culimada, waxaannu yidhi; “Waxa aynu u baahannahay ka culimo ahaan waajibaad ayaa idin saaran oo marka aynu nahay ummad islaam ah idinka ayaa hoggaankii ah, hadalkiinu halka uu gaadhayana waynu wada ogsoonnahay iyo inta qaadanaysa fariimihiina aad jeedisaan, anagana Komishan ahaan waxa na saaran in aannu bulshada reer Somaliland kala dagaalanno xannuunkaas HIV-ga ah, waxa kaloo na saaran inta uu aafeeyo in iyagana daryeelkooda iyo taakulayntooda Komishanku ka shaqeeyo. Mushkiladaha ina haysta bulsho ahaan waxa ka mid ah qof xannuunkaas qaba oo dhibaato caafimaad ahn in loogu sii daro mid kale oo caqliyan iyo jidh ahaanba ah, cidda markaa la doonayo inay bulshada ka wacyigeliso ee ay kala hadashaa waa culimada, waxaanad ka masuul tihiin masaajidada oo ah halka ugu muhiimsan ee bulsho wax looga sheegi kari lahaa.”

Agaasimaha Wacyigelinta Komishanka Xakammaynta Heer Qaran ee HIV/AIDS-ka Eng. Muxuyadiin Yuusuf Ibraahim, waxa uu u sheegay culimada inay Komishan ahaan marti uga yihiin sidii bulshada looga wacyigelin lahaa xannuunkan, isla markaana loo samayn lahaa wacyigelin lagu ilaalinayo dadka la nool xannuunkan HIV, isagoo xusay in sheekh kasta oo masjid jooga looga baahan inuu sameeyo wacyigelin uu ku kasban karo inay ku soo xidhaan dadka xannuunkaas la nool ee degan xaafadda Masjidku ka dhisan yahay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah culimada shirkaas ka qaybgalay oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in xannuunkan HIV/AIDS uu yahay mid bulshada ku dhex faafaya, culimo ahaan ay diyaar u yihiin sidii ay uga qaadan lahaayeen doorkooda ah in dadka laga wacyigeliyo xannuunkaas.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here