Maxaa Ka Jira In Gabadh Yar Lagu Faro Xumeeyay Xarunta Agoomaha Hargaysa?

0
1142

Hargaysa (Hargeisa Press):  Waxaa maalmahan soo baxayay warar sheegaya in Gabadh yar  lagu faro-xumeeyay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa ee ay maamusho Dawladdu.

Gabadhaasi oo da’deedda lagu sheegay 13 sanno jir ayaa ka mid ahayd Carruurta lagu hayo Goobtaasi.

Aabbaha dhalay Gabadha la faro-xumeeyay oo Magaciisu yahay Xariir Raage, ayaa ka hadlay Xaaladda Inantiisa iyo tirada Ragga falkaa geystay.

Isagoo cabasho ka muujiyey in maaddaama oo markii falkani ku dhacay Inantiisa uu indho la’aa laga qariyey in Gabadhiisu uur yeelatay markii la faro-xumeeyay.

 

Aabbo Xariir Raage oo faahfaahinaya sida uu markii hore Carruurta u geeyay Xarunta Agoomaha Hargeysa, isagoo  ay ka muuqato Murugo ayaa sheegay inuu ogaaday gabadhiisa oo 5 bilood uur leh.

Xariir Raagge, waxa kale oo uu cabasho ka muujiyey in Maamulka Xaruntu u diiddan yahay inuu Carruurtiisa.

Daawo: Aabaha Sheegay In Gabadh Uu Dhalay Xarunta Agoomaha Lagu Kufsaday:

Dhinaca kale guddoomiyaha xarunta agoomaha Hargaysa Caasha Maxamuud Qaalib, ayaa ka jawaabtay wararka arrintaasi la xidhiidha iyo eedaha uu aabaha dhalay gabadha la faro xumeeyay u jeediyay masuuliyiinta xaruntaasi.

Waxaanay ku dooday in aanu jirin haba yaraatee wax kufsi ah oo ka dhex dhacay xarunta agoomaha ee ay maamusho, isla markaana xarunta uu ka jiro nidaam wiilasha iyo gabdhaha xarunta ku jiraana ay meello kala gaara seexdaan.

Daawo: Caasha Qaalib Oo Eedahaasi Iska Difaacaysa:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here