Madbacadda Qaranka Somaliland Oo Soo Iibsatay Qalab Kala Duwan

0
762

Hargaysa (Hargeisa Press): Madbacadda qaranka somaliland ayaa la soo degtay qalab kala duwan oo aad u casri ah, kaasoo ay qaarkood yihiin Offsets Full Color.

Maareeyaha Madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raage Ibraahin, ayaana shalay shirkadda MMG kala wareegay qalabkaasi oo dhan 15 Mishiin oo casri ah oo soo gaadhay xarunta madbacadda Qaranka.

Mareeyaha shirkadda shirkaddii ku guulaysatay tartanka keenista qandaraaska mishiinadan Maxamed Cali, oo ka hadlay keenista msihiinadan ayaa tilmaamay in tirada guud ee qalabkani ay ahaayeen labaatan mishiin.

Imika-na ay keeneen 15 mishiin, inta hadhay na ay keeni doonaan todobaadkan, isla markaana ay yaalaan gudaha dekeda Berbera.

Maareeyaha Madbacadda qaranka Maxamuud Raage, oo si rasmi ah ula wareegay qalabkan ayaa sheegay in qalabkan cusub ee ay heleen uu u suurto gelinayo in  madbacadda qaranku si fiican u gudato waajibaadkii ay qaranka ugu xil saarnayd.

“Taasi-na waxay suurto gal ka dhigaysaa in ay madbacadda qaranku si fiican u gudato waajibaadkii ay qaranka ugu xil saarnayd, oo ah daabacaada iyo xafidaada dukmantiga dawladda.

Halkan maanta aynu joognaana waa hiigsigii aanu ku taamaynay qaran ahaan ama madbacad ahaan” ayuu yidhi Maxamuud Raagge.

Waxa kaloo uu intaas raaciyay Maxamuud Raagge, in qayb ka dhiman qalabkan cusub ee ay la soo iibsadeen in ay soo gaadhi doonaan maalmaha soo socda.

Iyadoo ay sidoo kale-na ay iman doonan xubno khubarro ah oo rakibi doona Makiinadahan cusub, isla markaana shaqaalaha ku tababari doona sidii ay ugu shaqayn lahaayeen Makiinadahan.

Waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa in qalabkan inta dhimani ay dhawaan iman doonaan.

Iyaga iyo khubarradii rakibaysay, kana shaqaysiinaysay Makiinadahan, oo shaqaalaha madbacada ka caawin doona kuna tababari doona”.

Geesta kale maareeyaha ayaa u mahad celiyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu taageerro dhaqaale ka siisay soo iibinta qalabkani.

Waxaanu yidhi “Marka hore waxaan u mahad naqayaa ILLAAHAY SWT. Mar labaad waxaan u mahad naqayaa madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo aanay la’aantii hawshani suuro-gasheen, kana jawaabay soo jeedintayadii aanu in badan qabnay, oo ahayd in aanu qalab ku filan daabacaada helno.

Waxaan leeyahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, taariikhda ayaa xusi doonta. Waana markii ugu horraysay ee madbacadda qaranku hesho qalabka tiradaa leh”.

Sidoo kale maareeyaha Madbacadda qaranka  ayaa  u mahad naqay shirkadda qalabkan keenistiisa ku guulaysatay.

Waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aan u mahad naqayaa shirkadda ku guulaysatay keenista qalabkan oo runtii si fiican noogala shaqaysay, aad baanan ugu mahadinayaa”.

Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay agaasimayaasha waaxyaha madbacadda qaranka, iyo maareeye ku xigeenka madbacadda.

Kuwaasoo dhamaantood sheegay maalgelintan ballaadhan ee lagu sameeyay in ay ka dhabaynayso in madbacadda qaranku awood u yeelato daabacaada dhamaan dukmantiyada qaranka Somaliland iyo ta gaarka ah ba.

Waxaanay soo dhaweeyeen kuna bogaadiyeen xukuumadda dhexe sida ay isaga xil saartay qalabaynta madbacadda qaranka.

Iyagoo  si gaar ah ugu mahad naqeen wasiirka maaliyadda Somaliland iyo guddoomiyaha baanka dhexe.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here