Guddoomiyaha cusub ee FIFA oo Maanta loo doortay Gianni Infantino oo Badalaya Blatter

0
1016

ZÜRICH, Switzerland (HargeisaPress) β€”Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa u doortay maanta Guddoomiye Cusub, Gianni Infantino oo horay u ahaa Xoghayaha xidhiidhka Kubadda Cagta Yurub ee UEFA, isagoo bedeli doona Guddoomiyihii hore ee FIFA Joseph Sepp Blatter.

 

Gianni Infantino, ayaa ku guuleystay 115-cod, Wareeggii labaad ee doorashadii maanta ka dhacay magaalada Zurich ee dalka Switzerland, isagoo ka guuleystay Saddex Murashax oo xilkaan kula tartamayay.

4754

Guddoomiyaha Cusub ee FIFA oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Talyaaniga ayaa Wuxuu ka guuleystay wareeggii u dambeeyay ee Doorashada Sheikh Salmaan oo helay 88-cod oo keliya.

 

Gianni Infantino ayaa u baahnaa 104-cod oo keliya oo ah 50% xubnihii codka dhiibanayay, isagoo Hadal uu jeediyay guushiisa kaddib ku sheegay inuu isbedel ku sameynayo Xiriirka FIFA, uuna dib u soo celinayo sumcaddii uu xidhiidhku lahaa.

Sheikh Salman bin Ebrahim al Khalifa of Bahrain was a close second in the first round with 85 votes. PHOTO: MICHAEL PROBST/ASSOCIATED PRESS
Sheikh Salman bin Ebrahim al Khalifa of Bahrain was a close second in the first round with 85 votes. PHOTO: MICHAEL PROBST/ASSOCIATED PRESS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, waxaa wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada isna ka Qayb-galay, Ali bin al-Hussein oo u dhashay Dalka Jordan, isagoo helay Afar cod oo ka mid ah codadkii 207-dii xubnood ee codeynayay ay dhiibteen.

 

Waddamada Kuwait iyo Indonesia ayaan iyagu ka qaybgelin doorashada Xidhiidhka FIFA ee maanta ka dhacday Zurich, iyadoo aan wax faahfaahin ah laga bixin sababta ay uga Qayb-geli waayeen.

Gianni Infantino of Switzerland received 42.5% of the vote in the first round. PHOTO: MICHAEL PROBST/ASSOCIATED PRESS
Gianni Infantino of Switzerland received 42.5% of the vote in the first round. PHOTO: MICHAEL PROBST/ASSOCIATED PRESS

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambeyn, Doorashada Infantion ayaa waxay soo Af-jaraysaa bilooyin ay FIFA ahayd Hoggaan la’aan, kaddib markii uu is-casilay Madaxweynihii hore ee Xiriirka, Sepp Blatter oo ay kusoo baxeen fadeexado musuq-maasuq oo la Xidhiidh laaluush qaadasho.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here