Muwaadin Baarlamanka Somaliland iyo Maxkamada U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Dowlada Hoose Hargeysa

0
1420

Hargeisa (Hargeisa Press)- Cali Cabdi Cumar oo ah nin ku nool magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu dacwad ka gudbiyay dowladda hoose ee caasimada Hargeysa.

Ninkan oo muddoba cabasho ka dhan ah dowlada hoose Hargeysa waday ayaa sheegay in uu ka cabanayo dhibaato uu ka tirsanayo dawladda hoose ee magaalada Hargeysa oo ka xidhay Lo’ uu lahaa.

Laba neef oo uu lahaa ayaa ku jiray lo’ ay dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ka dhex ururisay suuqa oo ay sheegtay in aan la ogolayn in magaalada xoolaha lagu sii daayo.

Cali Cabdi Cumar oo ah ninka eeda ka tirsanaya dawladda hoose magaalada Hargeysa ayaa cabashadiisa u gudbiyey Baarlamanka Somaliland  iyo maxkamadda iyo xarunta baarlamanka Somaliland oo isaga oo ubadkiisii wata ay is hor tubeen.

Lo’daas oo afartameeyo neef ahayd ayaa dhowr bilood xero ku jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here