Musharaxa Ucid Oo Xukumadda Ku Dhaliilay Xadhiga Masuul Ucid Ka Tirsan iyo Bilawga Diwaangalin Bilaa Sharci Ah

0
1110

Jamaal CaliHargeysa, (HargeisaPress) — Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, ayaa Sheegay in Xukumaddu xadhig Sharciga baalmarsan kula kacday Masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Ucid. Waxa kale oo uu sheegay in Bilawga Diwaangalinta Madaniga ahi tahay Sharci daro maadaama aan wali Sharciga Diwaangalinta la ansixin.

“Xukumadda Somaliland, waxay xadhig aan Meel loo maray iyo Sharci loo maray jirin ku samaysay Xildhibaan Ibraahin Sangal oo ka mid ah Madaxda Sarsare ee Ucid ee Gobolka Gabiley ka dib markuu ka hadlay arimo doora oo siyaasadeed.waa Nin Xisbi Qaran ka tirsan, waa Nin Xildhibaan ah, Xildhibaan horena ahaan jiray,madaxda Xisbiga Ucid na ka tirsan, wuxuu laba cishaba ku xidhnaa Xisbiga Gabiley sabab iyo sharci loo marayna ma jirto, waxay noqotay dadkii inta la iska qaato, hadda inta Shicibkii la dhaafay Madaxdii Xisbiyada la leeyahay car juuq dhaha” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale ka hadlay Bilawga Diwaangalinta Madaniga ah “Waxaa jirtay in Doraad Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu ay tijaabiyeen Diwaangalintii Madaniga ahayd, waxaan leeyahay Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu Malaha Sharciga ma yaqaanaane,Sharciga Somaliland waxa uu Sharci noqdaa mar Alaale Marka Baarlamaanku Ansixiyo laakiin, iyadoo Xeerkii qabyo qoraalka ahaa Wali Baarlamaankii Ansixin in Madaxweynaha iyo Wasiiradiisu aayar oo dhalatay isdiwaangaliyaan oo Ficilkii bilaabaan waa Kalitalisnimo, waa wax Sharciga ka fog, waxaan leeyahay Sharciga ha loo soo noqdo” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here