Murashaxiin Wacyigelin Ku Soo Maray Abaarso Marraaga iyo Laalays

0
1054

Abaarso (Hargeisa Press)- Musharaxiinta Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto), ayaa maanta ololaha wacyigalinta Diiwaangalinta codbixiyeyaasha ka la bilaabay deegaamadda Abaarso, Laalays iyo Marraaga.

Deegaamadani ayaa dhamaantoodba ka tirsan gobolka Maroodijeex, oo la filayo in ay berri ka bilaabanto diiwaangelinta codbixiyeyaashu.

Halkaasoo ay kula kulmeen murashaxiintani dadweynaha si ay u gaadhsiiyaan farriinta is diiwaangalinta doorashooyinka soo socda.
Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa u sharaxan golaha Wakiiladda ee gobolka Maroodijeex, halka uu murashax Maxamed Cali Aw Cabdi, u sharaxan yahay golaha deegaanka Maroodijeex.

Murashax Xuuto, oo ka hadlay socdaalka wacyigelinta ee ay deegamadaas ku tegeen, waxaa uu yidhi, “Gulufka aanu anaga iyo taageerayaashayadu u galnay sidii aan taageerayaashayada u diiwaangalin lahayn waxa uu ka gudbay xuduudka dhinaca Itoobiya halkaas oo ay gaadheen qayb naga mid ahayd oo uu hogaaminayay musharax Maxamed Cali Aw Cabdi”.

Murashax Xuuto, ayaa intaas raaciyay, “Ololahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay diiwaangalintii gudida doorashooyinku ka bilaabmayso gobolka Maroodijeex maalinta barri ah oo ku beegan 1312/2020 oo ah maalin Axad ah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here