Jerusalem (Hargeisa Press)- Dowladda Israa’iil, ayaa saraakiil sare oo dhanka sharciga ah ka heshay tilmaamo muujinaya in dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) uu ka fikirayo in uu soo saaro amarro lagu soo xidhayo mas’uuliyiinta Israa’iil oo uu ku jiro Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Channel 12 ee Israa’iil.
ICC, ayaa hadda baadhaysa ficillada Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto iyo Marinka Gaza.
Marka laga soo tago Netanyahu, baadhitaannadan waxay horseedi karaan in amarro lagu soo xidho Wasiirka Gaashaandhigga Yoav Gallant iyo madaxa shaqaalaha Herzi Halevi.
Wargeyska Israa’iil ee Maaiv, ayaa sidoo kale sheegay in Netanyahu uu “ka cabsanayo oo uu si aan caadi ahayn uga walaacsan yahay” suurtogalnimada in ay soo xidho maxkamadda ICC.
Jimcihii, Netanyahu wuxuu bartiisa X (Twitter), ku soo qoray hogaankayga, “Israa’iil weligeed ma aqbali doonto isku day kasta oo ay ICC ku doonayso inay ku wiiqdo xuquuqdeeda is-difaaca”.
Under my leadership, Israel will never accept any attempt by the ICC to undermine its inherent right of self-defense.
The threat to seize the soldiers and officials of the Middle East’s only democracy and the world’s only Jewish state is outrageous. We will not bow to it.
Israel…— Benjamin Netanyahu – בנימין נתניהו (@netanyahu) April 26, 2024
Kiiska ICC, ayaa ka duwan kiis dhowr ah oo ka dhan ah Israa’iil oo ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), oo uu ku jiro mid ay Koonfur Afrika keentay oo ku eedaysan in Israa’iil ay ku kacayso dambiga xasuuqa ee ay ku sii waddo dagaalka ay ku hayso Gaza.
Maxkamadda ICJ waxaa loo sameeyay in lagu xalliyo khilaafaadka u dhexeeya dowladaha; ICC waxay ku oogtaa shakhsiyaadka dembiyada.