Madax Dhaqameed iyo Masuuliyiin Baaq U Diray Bulshadda Maroodijeex

0
779

Hargeisa (Hargeisa Press): Madax dhaqameedka gobolka Maroodijeex iyo masuuliyiin kale ayaa bulshadda gobolkaasi ugu baaqay in ay qaataan kaadhka codbixinta.

Madax dhaqameedkaasi oo isugu jiray salaadiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad kale ayaa bulshadda ku booriyay un ay is diiwaangeliyaan.

Sidoo kale waxaa madax dhaqameedkaasi wehelinayay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka maroodijeex.

Xubnahan madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta isugu jiray oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa ayuu baaqoodu ku soo beeg mayaa iyadoo ay beri diiwaangelinta codbixiyeyaasha ku bilaabmayso goboladda Maroodijeex iyo Saaxil.

Daawo:Baaqa Madax Dhaqameedka Maroodijeex:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here