Bilawga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Ee Saaxil iyo Maroodijeex

0
600

Hargaysa (HP): Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ayaa la filayaa in ay maalinta beriga ka bilaabanto gobolka Saaxil iyo gobolka Maroodijeex.
Sida lagu shaaciyay jadwalka guddiga doorashooyinka Somaliland ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Diiwaangelinta codbixiyeyaaaha ayaa hpre uga soo qabsoontay gobolka Awdal iyo seddex degmo doorasho oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.
Kuwaasoo kala ah degmooyinka Salaxley, Gabiley iyo Baligubadle.
Saddexdaas degmo ayaanay beri ka qabsoomid doonin diiwaangelintu, maadaama hore looga soo qabtay.
Hase yeeshee, gobolka Saaxil iyo degmo doorashooyinkiisa ayay beri ka furi doontaan diiwaangelintu.
Diiwaangelintan ayaa la qorsheeyay in ay gobol kasta ka socoto muddo afar maalmood ah.
Inkastoo la filayo in wakhtiga loo kordhin doono goobaha loo arko in ay weli jiraan dad aan is diiwaangelinin.
Waa markii labaad oo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland la qabto, iyadoo sanadkii 2016-kii dalka laga sameeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Diiwaangelintani ayaa loo qorsheeyay in ay kaadhka codbixinta qaadaan saddex qolo oo bulshadda ka mida.
Kuwaasoo kala ah dadkii aan hore isku diiwaangelinin, kuwii aan diiwaangelintii hore gaadhin da’ada loo ogol yahay in ay qaataan kaadhka codbixinta iyo dadkii ay ka xumaadeen ama ka gubteen kaadhadhku diiwanagelintii hore.


Geesta kale diiwaangelintan codbixiyeyaasha Somaliland ayaa gogol xaadh u ah doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka oo la filayo in ay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka foodda inagu soo haya ee 2021-ka.
Taasoo ay codayn doonaan dadka qaatay ama haysta kaadhka codbixinta oo keliya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY