MUGDISHO: Faah Faahin dheeri ah oo laga helay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyadii Maanta

0
1090

Muqdisho, (HargeisaPress) —Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay mid kamida Koontaroollada kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Inkabadan 20 qof oo ay kamid yihiin askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa ku dhintay qaraxyadii mantaanaha ahaa ee ka dhacay meel ku dhow qasriga madaxtooyada oo ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.

Mas’uuliyiinta ku dhaawacmay qaraxyadii maanta waxaa kamid ahaa Xildhibaan Warsame Joodax iyo Max’med Cabdullaahi Tuulax oo ah guddoomiye ku xigeenka ee dhanka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir.

Shaqaale katirsanaa xafiisyada Farmaajo iyo Kheyre ayaa iyana kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii maanta, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in inta badan ciidamadii ilaalada u ahaa Tuulax iyo Warsame Joodax ay ku dhinteen qaraxyada.

Xarakada Al Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradii maanta ayaa xaqiijisay in weerarku uu sidii larabay udhacay, sawirro lagasoo qaaday goobta weerarku ka dhacay ayaa muujinayay burbur xooggan oo gaaray dhismayaal ay deganaayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo gaadiid dagaal.

Halkan hoose ka Daawo Sawiradda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here