Mudaharaaad Xoogan Oo Caawa Gil-giley Magaalada Berbera Iyo Ciidamo Badan Oo Lasoo Dhoobay Wadooyinka Magaalada

0
785

Hargeysa, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in caawa uu mudaharaad ka dhacay magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil.

 

Waxaana mudaharaadkan dhigayay shacabka magaalada berbera kuwaasi oo sida naloo sheegay kasoo horjeeday xukunkii dilka ahaa ee ay maxkamadda ciidamada militerigu ku riday 8 eedaysane oo la sheegay inay lug ku lahaayeen dilkii marxuun taliye Casayr.

 

Dadkan mudaharaadayay aya waxa la sheegay inay gubeen taayiro isla markaan gooyeen wadooyinkii halbowlaha ahaa ee gadiidka,waxaana soo gaadhay ciidamada booliska gobolka saaxil kuwaasi oo ku guuleystay sida naloo sheegay inay kala dareeriyaan dadkii mudaharaadayay.

 

Mudaharaadkan dhacay ayaa la sheegay inaanay wax khasaare ah ka dhicin marka laga reebo gawaadhi ay ku dhaceen dhagaxaantii ay tuurayeen shacabka mudaharaadayay.

 

Ciidamada booliska magaalada berbera ayaa naloo sheegay inay hakad galiyeen isku socodkii gaadiidka iyo dadka iyada oo kaantooralada galbeedka iyo bariga magaalada berberana ay ku xaniban yihiin sida naloo sheegay gadiidkii iskaga kala gooshayay magaalooyinka burco,ilaa  berbera, berbera ilaa hargeysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here