Milicsiga Waxqabadkii Marwo Shukri Harir Ismaciil Mudadii ay mid ahayd Golaha wasirada Xukuumadda Silaanyo. Qaybta Kowaad

0
1220

Hargeysa, (HargeisaPress) —(25 June, 2013) – (27 Feb, 2015), Marwo Shukri xariir Ismail oo ah aqoonyahan iyo xeeldheere dhinaca saxaafada iyo horumarka bulshada, waxay bishii June 2013 qabatay xilka wasaaradda Arimaha Bulshada oo wasiir ku xigeen kanoqotey, Habeenkaa uu Madaxwayne Ahmed Maxamed Silaayo uu u magacaabay Marwo Shukri Xarir, waxa aad u soo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan sida Haweenka iyo dhallinyarada Somaliland, Siyaasiyiinta iyo ganacsantada Somaliland iyo cuqaasha iyo odoyaasha degaanada ay kasoojeedo (Sahil, Marodi-jeex, iyo Baligubadle), waxay intaasba ay qireen in marwo Shukri ay aad u sugayeen, iyagoo tahniyado iyo bogaadin lagu diirsaday isku waydaarsaday baraha bulshada, media tooska ah, iyagoo qaarkood u qabtey munaasibado lagu soodhawaynayo Marwo Shukri Xariir Ismaciil, waxay dhamaan qaybahaas bulshadu Madaxweynaha uga mahadnaqeen sida abaalka leh ee uu ugu magacaabey Marwo Shukri Jagadaasi. Marwo Shukri Xariri oo mudo labaatan sanadood kusoo jirtey adeega caalamiga ah ee samafalka bulshada qaybaheeda kala duwan, iyadoo Hay`ad caalami ah maamuli jirtey, ayaa waxay mudadaas gacanta ku haysay mashaariic lagu horumarinayo caafimaadka gobolka Saxil, Togdheer iyo Marodijeex, iyadoo dhistey cusbitaalo, MCH-yo , Health post iyo Iskuuulo, shaqaale xirfadeysan tababaro u fidisay si ay social facilities ay samaysay uga shaqayn karaan, waxa goobaha miyiga ah ka hirgalisa adeega kaalamada Hooyada iyadoo miyigiga la geeyay Ambulances,   waxayna dhamaan mashariicdaasi yahiin kuwo illaa hada shaqaynaya oo abaal looga ahayo Marwo Shukri Xariir Ismaciil.

Hadaba Mawduucan waxaan kusoo qaadanaynaa qodobo ka mida waxqabadkii Marwo Shukri Hariir iyo Wasaarrada Arimaha Bulshada, qaybta xigtana Waxqabadkii Marwo Shukri Xariir Ismaciil iyo Wasaarada warfaafinta.

Dhinaca Wasaarada Shaqaada iyo Arimaha Bulshada

Ka hor intii wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada loo soo magacaabay Marwo Shukri Xarir Ismaciil June 2013, waxay wasaaradu ku sugnayd xaalad maamul xumo oo shaqooyinku ayna u kala qoondeysnayn hawlwadeenada wasaarada, waxana mudadaas jirtey khilaafyo u dhaxeeya agaasime waaxeedyo, mudadaas wasaarrada waxay ahayd mid ayna shaqo, qorshayaal iyo maareyn sugan lahayn, oo hay`adahii dawlada, kuwa maxaliga ah iyo ku caalamiga ah ay kala xidhiidh furmeen, wasaarada waxa haysatay musuq maasuq baahsan, Hadaba markii ay timid Marwo Shukri Xariir, waxay soo celisay Haykalkii wasaaradda, waxay dib u eegtay dhamaan shuruucda iyo xeer hosaadyada wasaaradda, waxay diyaarisay human resources management system, finance and administration system, planning and implementation ,  Waaxyahii wasaaradu ka koobnaydna way dhistay waxayna ka dhigtay kuwo u adeegi kara bulshada si waafaqsan xeerarka dalka, Marwo Shukri Xariir Ismaciil iyadoo sii wada dadaalkeeda waxay isku dayday shaqaalaha inay tayayso oo qaar kamida tababaro ay u fidisey iyo kuwo jamacada dalka ay u dirtey si ay aqoontooda kor usoo qadaan, kuwo training iyo workshop ayaa loo qabtey, xiligaas Marwo Shukri Xariir wasaaraddii waxay ka dhigtey Hay`ada ugu wanaagsan wasaaraddaha dalka. Wasiirku-xigeenka Marwo Shukri Xariir Mudo aad ubadan ayay Xilka wasiirka wasaarada Arimaha Bulshada ku sime ka ahayd, kadib markii wasiirkii xiligaas Marxuum Garaad uu xanuun ku maqnaa. Taasina waxay keentay in Marwo Shukri Xariir Ismaciil ay si muuqata fursad ugu hesho inay horumariso wasaarada. Marwo Shukri Xariir waxay xaqiijisay inay adeega wasaaradda la gaadhsiiyo magaalooyinka dalka iyadoo xarumo/Xafiisyo cusub ka furtey degmooyinka-Somaliland halka kuwo hore u jireyna tayaysay. Marwo Shukri intii ay Gacanta ku Haysay wasaarada Arimaha Bulshada iyo Shaqada waxay caawin balaadhan u fideysa caruurta darbi jiiftka ah iyo kuwa agoomada ah, iyadoo gacan buuxda oo kharash iyo material-ba leh ka gaysataya xarumaha agoomaha ee Somaliland oo ay ku jiraan xarunta Jigjigaya iyo ta Maxamed-mooge.

Waxqabadkii Marwo Shukri Xariir Ismaciil ee Wasaaradda Arimaha Bulshadu iyo shaqada hadaan sii gudagalno, waxay samaysay mashaariic shaqo abuur, waxay soo saartey baaqyo dhaqangal ah oo illaalinaya xuquuqda shaqaalaha Somaliland, Waxayna furtey Center Shaqo raadis iyo Library oo madaxwaynahu xadhiga ka jaray, Center-kaas oo dhalinyarada shaqo kaga raadsan karaan . Marqo Shukri Xariir Intii ay wasaaradda joogtey waxay kor u qaadmey xidhiidhka wasaaradda arimaha bulshada/shaqada iyo dhamaan muwaadinka Somaliland ee shaqeeya iyagoo helay cid ka dhagaysata waxna ka qabta cabashooyinka ay qabaan ee khuseeya goobaha ay u shaqeeyaan, waxay xoojisay department-ka shaqaalaha. Marwo Shukri Xariir iyadoo gudanaysa waajibka dastuuriga ah waxay abuurtey Mashaariic shaqo abuur lagu dhiiri galinayo dhallinyarada, si loo yareeyo shaqo la`aanta, waxay abuurtey barnaamijyo illaa hada socda wasaarada Arimaha bulshada lagu yaraynayo Tahriibka.

Marwo Shukri Xariir iyadoo ka faaideysanaysa khibradeeda durugsan ee ay ka heshay mudadii dheerayd ee ay u shaqayneysa Hay`adaha maxaliga ah waxay wasaaradii ku soo xidhay hay`ado badan oo dalka jooga, kuwaas oo wasaaradda waxbadan laqabtey mudadii Shurkri joogtey, wasaaradu waxay yeelatay Dhisme dhamaystiren oo ku filnaadey xafiisyadii iyo shaqaalahi wasaaradda, waxay wasaaraddu yeelatay Gawaadhi ku filan hawlaha shaqada wasaarada. Marwo Shukri waxay kor u qaadey misaaniyadii wasaarada sababtuna waxay ahayd markii ay gudbisay reports faaido badan ka muuqato oo sanadkaa waxii la qabtey ka waramaya iyo proposals waxbadan bulshada kusoo kordhinaysa hadii la fuliyo oo qorshayaasha sannadka ah.

Mudadii ay Shukri Xariir Wasiir ku xigeenka ka ahayd wasaarada Arimaha Shaqada iyo Arimaha bulshada, waxay kor u qaadey xidhiidhka caalamiga ah ee wasaaradda, waxay si joogto ah uga qaybgashay Kulanadda Urur goboleedka EGAD, waxay ka qaybgasha Shirar EU-da ah, intaba waxay uga qaybgasha iyadoo huwan astaanta iyo calanka Jamhuuriyada Somaliland, taasi oo ah guul u soo hoyatay Somaliland oo ka dhigtey wadan madal-joog ah oo saamiga mashaariicda ee uu xaqa u leeyhay soo qaatey.

Dhinaca Siyaasada Shukri waxay ahayd masuulka ku dhac leh oo dhiiran, oo leh hadaf cad oo horumarinka bulshada ay kasoo jeedo iyo ta guud ahaaneedba oo horumar gaadhsiin kara, waxa shukri Xariir Ismaciil lagu xusuustaa inay ahayd Siyaasi saamayn hufan leh, oo ku dadaasha beesha caalamku aqoonsado Somaliland, iyadoo articles iyo warbixino ku saabsan Somaliland diyaarisay. Siyaasad maxaliga ah waxay door muuqda ka ciyaartey saaxada siyaasada,  2013 beesha ay kasoo jeeda iyo xukuumadu waxay ahayeen kuwo aad u kala fog, iyadoo ay jirtey xiisadii Ururkii hadhay ee Xaqsoor, waxay degaanka ay kasoo jeedo ku dhiiri galisay inay xukuumada jirta ay wax la qabsadaan, si ay  u muujiyaan kartida ay leeyahiin, Marwo Shukri waxay lahayd fikrada ah in beesha Baligubadle iyo Koonfurta Hargeysa kasoo jeeda ay wado Laamiya sameeyaan, biyo yeeshaan/helaan, oo waxbarasho iyo caafimaad yeshaan, iyadoo xiligaa ka bogsiisey xusuustii Xisbiga hadhey ee xagsoor, waxii intaas ka dambeeyay fadhigay ka kaceen. Waxay role muuqda ku lahayd qorsheyntii biyaha galinta Hargeysa usoo socota iyo qaabta ay pipe distribution usoo gaadhi lahayeen dagmada Axmed Dhagax. Waxayna kamid ahayd Gudida uu madaxwayne Ahmed Silaanyo u xilsaarey xiligaas. Marwo Shukri waxay kaalin muuqata ku lahayd dhisida wadada Baligubadleh iyado ahayd/ah xubnaha ugu firfircoon wadada dhiskeeda ka qayb qaatey, Funds-na uga raadiyay Xukuumada iyo bulshada inteeda kale qurbe iyo gudaba, iyadoo marwalba oo ay wadamada dibada ay safar ugu baxdo ay labada waajib ee saran uu ahaa ta qaranka iyo ta wadadaas degmada baligubadle, iyadoo kharash tabarucaad ah kasoo ururisa bulshada, waxayna iyadu ahayd xubno marwaliba wax ku darayay wadada si shakhsi ah. Guud ahaan arimahaas waxay xoojiyeen in bulshadii degaankasi ay xukuumada ku xidhmaan una arkaan xukuumad wax u qabanaysa, iyagoo ku diirsada si hagar la`aanta ah ee wasiirada (Shukri) beshooda kasoo jeeda ugu heelan tahay  sidii ay wax ula qabanayaan, intaa waxii ka dambeysay waxa dhisantay kalsoonida ay xukuumada u hayeen, waxana xiligaa dhacday in saamiga dawlada ay ku leeyahiin loo kordhiyo oo xubno cusub loo magacaabo, taasina xukuumada kulmiye guul ayay u noqontey, gushaasi oo horseed ay ka ahayd Marwo Shurki Harir Ismaciil.

Marwo Shukri Xariir waxay door muuqda ka qaadatay sidii haweenka Somaliland door buuqda iyo kaalin wanaagsan ka qaadan lahayeen horumarka Somaliland, waxay dhiiri galisay xukuumada iyadoo ujeedku yahay sidii haweenka looga qayb galin lahaa maamulka fulinta iyo hay`ada wadaniga ah, waxay geed gaaban u fuushay sidii ay Commission-ka doorashooyinka xubin haween looga dhigi lahaa, waxayna xiligaas ay ka talo bixisay in marwo Kaltuun Sheekh Xasan looga dhigi lahaa xubin commission dorashooyinka tiina way xirgashay, waxay isku dayday in xubno macquula lagu daro goolaha fulinta/dhexe ee Xisbiga kulmiye, tiina way hirgashay, waxay xusid mudan in marwo Shukri Xarir ay door kalsooni leh ay ka qaadatey biladii ciidamada kala duwan iyo sidii haweenku uga muuqan lahayeen bilada ciidanka ee madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo bixiyey, wayna dhacda oo Haween badan ayaa kasoo muuqdey biladaha ugu muhiisan. Marwo Shukri Xariir had iyo goor waxay halgan ugu jirtey illaalinta xuquuqal isnaanka iyadoo samaysa barnaamij iskaashi oo ka dhaxeeya Hay`ada dawlada (Wasaarada cadaalada, caafimaadka, garsoorka, iyo wasaarada arimaha bulshada) kaasi oo lagu yaraynaya tacadiga ka dhanka bulshada nugul siiba (Minority community, Haweenka, dhallinyarada ehelka lahayn), waxa barnaamijkaasi yahay mid lagu horumarinayo si ay u helaan adeega asaasiga ah si lamida bulshada inteeda kale.

La soco qaybaha dambe oo aan ku falan qayndono: Milicsiga waxqabadkii Marwo Shukri Xariir Ismail iyo Wasaarada Warfaafinta (27 Feb, 2015 – 03 Dec, 2016)

W/Q: Hussein Abdi Yusuf Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here