Midowga Yurub ka Hadlay Mowqifka Somaliland ka Qaadatay Hawlgalka Ammaanka Badaha ee Soomaaliya

0
1144

Hargeysa, (HargeisaPress) — Sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan ammaanka xeebaha gobolka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya Mr. Etienne de Poncins, ayaa ka xog-warramay hawlgallada ergada EU-da ee la yidhaa EUCAP Nestor ka fuliyaan Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo iftiimiyey qaababka ay siyaasad ahaan isku waafajiyaan shaqadooda iyo madaxbannaanida Somaliland.

Masuulkan iyo xubno kale oo ka tirsan Qarammada Midoobay oo shir lagaga hadlayey arrimaha budhcad-badeedka ku qabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka maalintii Arbacada toddobaadkan, ayaa sheegay inay tayeynta iyo kobcinta ammaanka xeebaha kala shaqeeyaan Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland, balse ay jiraan mowqifyo siyaasadeed oo Somaliland ku diiddo qaybo ka mid ah hawlgalladooda isku-xidhka amniga xeebaha dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.

“Muddo ka badan siddeed bilood waxaannu si joogto ah uga hawlgalnaa magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale aannu xafiis hawleed ku leenahay Somaliland. Waxa kaloo aannu ka fiirsanaynaa in aannu xafiis ka furanno magaalada Garoowe ee Puntland. Waxaannu ka caawinaynaa dawladda Federaalka Soomaaliya curinta xeerka Ciidanka Badda, kaas oo marka la dhammaystiro samaynaya nidaam sharci iskaashi ah oo lagula dagaallamo budhcad-badeedka iyo dambiyada badaha ka dhaca,” ayuu yidhi sarkaalkan wakiilka u ah EU-da oo hadalkiisa lagu baahiyey barta hay’adda warbaahinta ee Inner City Press ku leedahay Internet-ka, oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.

UCAP-in-Berbera

Waxaannu intaasi ku daray hadalkiisa, “Waxa kaloo aannu qabanay aqoon-koradhsiyo ku diyaarinayno nidaam sharci iskaashi ah oo ay yeelanayaan hay’adaha sharci fulinta ee deegannada xeebaha Soomaalida sida Somaliland, Soomaaliya, Puntland, Jubbaland, Shabeelaha Hoose, iyadoo arrintaasi aannu iska kaashanayno dawladda Federaalka ee Soomaaliya.”

Haseyeeshee, suxufi ka tirsan hay’adda warbaahinta ee la yidhaa Inner City Press oo ka hawlgasha Qarammada Midoobay, ayaa waydiiyey masuulkan su’aal ahayd, ‘waxaad sheegtay in hawl-qabadkiinna kala kaashataan dawladda Federaalka Soomaaliya, waxaanad ka hawlgashaan Somaliland oo ah dal ka madaxbannaan Soomaaliya, markaa taasi miyaanay ahayn xeelad siyaasadeed? Ta kale, sidee baad isugu wadaysaan Somaliland iyo Soomaaliya?

Sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan ammaanka xeebaha gobolka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badwaynta Hindiya Mr. Etienne de Poncins oo ka jawaabay su’aashaas, waxa uu yidhi, “EUCAP Nestor waa guddi farsamo ee maaha mid siyaasadeed, mana gaadhsiisnin arrimaha heerka dublamaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu ku leenahay Muqdisho xafiis ay ka hawlgalaan ilaa toban qof oo ka shaqeeya arrinta Soomaaliya, sidoo kalena xafiis baanu ku leenahay Hargeysa ay ka shaqeeyaan 7 ilaa 8 hawl-wadeen, waxa kaloo aannu Somaliland ka wada shaqaynay barmaamij is-faham ah oo horumarineed, kaas oo aannu ku taageerno kobcinta awoodda ilaalinta xeebaha badda, iyadoo aannu caawinno ciidanka ilaalada xeebaha, hay’adaha sharci-fulinta iyo booliska, waxaannuna hawlahan u qabanaa si waadax ah oo ay ogtahay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana aan ka soo horjeedin hawlaha aannu ka qabanno Somaliland, laakiin Somaliland may ogolaan inay qayb ka noqoto isku-xidhka ammaanka badda ee aannu samaynay. Sidaa darteed, hawshaa waxaannu u qabanaynaa Soomaaliya oo aan Somaliland ku jirin, arrintaasina waxay ku koobnaanaysaa uun Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo nasiib-darro Somaliland aanay ka mid ahayn isku xidhkaa.”

 

 

Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here