Midawga Yurub Oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Komishanka Doorashada Somaliland

0
836

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ergayga Midawiga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia MR Michele Cervone d’Urso, ayaa sheegay in Midawga Yurub Komishanka Cusub ee Somaliland u taageeri doono sidii Hay’adda ugu muhiimsan ee suuro galinaysa qabsoomida doorashada badhtamaha sanadka soo socda.
Ergayga ayaa Boggiisa Twitter-ka ku shaaciyay qoraal kooban waxaanu ku yidhi “Waxaanu soo dhawaynaynaa Ansixinta Komishanka Doorashada Somaliland ee Baarlamaanka ansixiyay. Midawga Yurub wuxuu Komishanka cusub u taageeri doonaa inuu yahay Hay’adda ugu muhiimsan ee furaha u ah qabsoomida doorashada sanadka 2015-ka”
Beesha Caalamka ayaa la rumaysan yahay inay Xukumadda ku caddaadisay meel marinta Komishanka doorashada iyo Xeerka diwaangalinaha codbixiyeyaasha iyo muwaadiniinta oo muran badan ka taagnaa mudooyinkii u dambeeyay balse haatan labadaba la ansixiyay. Mucaaradka ayaa habsanka Komishanka iyo xeerka ku macneeyay qorshe xukumaddu dib ugu dhigayso doorashada.

 
HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here