Daawo Muuqaal: Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Oo Furay Garoon Heer Caalmi Ah Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Berbera

0
752

Berbera, (HargeisaPress) — Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha, iyo dalxiiska ee JSL ayaa Magaalada Berbera xadhiga kaga jaray Garoon kubadda cagta ah oo uu goglan yahay Rooggu isla markaana xagga sare ka dedan, kaas oo uu dhisay Xildhibaan C.rashiid Maxamed Yuusuf oo ka tirsan golaha deegaanka ee Magaalada Berbera.
Sida la ogyahay Garoomada rooggu ku goglan yahay ayaa hore si Private ah loogaga hirgeliyey caasimada Somaliland sanadkii 2013, iyadoo xilgana wasaaradda Maaliyadda ee JSL ay miisaaniyad sanadeedka 2015 ku dartay kharashka goglitaanka Roogga ee Garoonka Hargeisa Stadium. talaabadan oo qayb ka ah horumarka isa soo taraya ee somaliland ka socda xiligan.

HALKAN KA DAAWO

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here