Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Loo-Gudbiyay Dacwad Ka Dhana Cabdirisaaq Khaliif

0
2622

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee qaranka Somliland, ayaa dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbisay Maxkamada Sare ee Somaliland.

Dacwadan oo uu Maxkamada Sare ee Somaliland u gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa lagu sheegay in ay farayso in la laalo xubinimada Cabdirisaaq Khaliif ee golaha, iyada oo lagu eedeeyay in uu ka hor yimid jiritaanka Somaliland iyo in aanu soo xaadirin 20 fadhi oo goluhu yeeshay.

Sidoo kale, xeer-ilaalinta, ayaa ku eedaysay Cabdirisaaq Khaliif inuu ka been sheegay cidii bilowday dagaalka Sool, oo uu sheegay inuu dagaalku ka yimi ciidamada qaranka, ismarkaana uu dhiiri gelin u muujiyay Kooxaha Huwanta ah.

Hadaba, Maxkamada Sare, ayaa Cabdirisaaq Khaliif u qabatay in uu muddo 7 cisho ah kaga soo jawaabo dacwada ” Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, kaasi oo ay kaga dalbanayso in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay maxkamada.

Hoos ka akhriso dacwada Xeer-ilaalinta

Hoos ka akhriso warqada Maxkamada Sare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here