Somaliland oo Shaacisay Xilliga La Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga

0
1343

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe oo ay sanad waliba qaado dowladda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda, ayaa sheegay in Imtixaanka shahaadiga ee fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe la qaadi doono  17-ka bishan June ee sannadkan 2023-ka.

Waxaanay sidoo kale fariin u direen dhamaan ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda, iyagoona ugu baaqay inay u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka hadhsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka 4-aad iyo 8-aad.

Sanad kasta marka la gaadho bisha June ayay qaada dowladda Somaliland  Imtixaanka Shahaadiga ee fasalada afraad iyo sideedaad ee dalka.

Waxaana sanadkan Imtixaanka Shahaadiga ee fasallada 4-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe u fadhiisanaya 41,000 arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here