Maxaad Kala Socotaa Wada Hadal Xaga Telefoonka Ah Oo Dhexmaray Madaxweynayaasha Geele Iyo Muuse Biixi Ee Arinka Dp World

0
1230
Madaxweynayaasha Geele Iyo Muuse Biixi

Djibouti , (HargeisaPress) —Inkasta oo Uu Madaxweyne Geele dhawaan uu go’aan ka qaatay oo uu laalay Heshiiska Maalgashi ee uu Dalkiisu kula jiray Shirkada DP-World ee Dalka Imaaraatka Carabta laga leeyahay ayaa haddana waxa ay warar kale oo hoose oo Wargeyska Foore soo gaadhay ay sheegayaan inuu Madaxweyne Geele talo waayeelnimo u guntay Madaxweyne Muuse Biixi oo ku saabsan Wax loogu yeedhay Khataraha ku dahaadhan Heshiisyada Dalka Imaaraatku lagalo Wadamada Caalamka.

Wararkan ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu si hoose uu ugu soo bandhigay Madaxweyne Muuse Biixi Wakhtigii uu safarka ku tagay islamarkii loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Somaliland ee uu talada dalka ku guulaystay oo ay ka soo wareegtay muddo Saddex bilood ku dhawi.

Madaxweyne Geele ayaa sida la sheegay si hoose farta ugu fiiqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si qoto dheer u darso heshiiska maalgashi ee ay Xukuumaddii hore la gashay Shirkada Dp-World islamarkaana uu aad uga foojignaado wax loogu yeedhay dabinada iyo xadhkaha Soohan ee ay Wadamo badan oo Geeska Africa ku yaala kala kulmeen heshiisyada Maalgashi ee Dalka Imaaraatka Caraba iyo Shirkadda Dp-World.

Warar aan la hubin balse aanu ka helay illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Muuse Biixi soo dhaweeyey taladaasi waayeelnimo ee uu u soo guntay Madaxweyne Geele islamarkaana ay hadda ka muuqato taladaasi talaabooyinka hor dhaca ah ee uu hadda qaaday ee uu ku hurgafayo heshiiskaasi Dp-World, waxaanu durba bilaabay oo uu hor dhigay arimo layaableh Masuuliyiinta Shirkada Dp-World isagoo shuruud kaga dhigay inay ugu horayn dhamaystiraan oo ay bilaabaan mashaariicdii ay balan qaadeen ee kale ee ay ka midka ahaayeen Berbera Corridor iyo Dhimaha Deked Cusub. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in durba Masuuliyiinta Dp-World ka cudur daarteen lacag ay hore u balan qaadeen oo 240-Milyan ahayd oo lagu dhisayay Jidka Laamayda ah ee Berbera ilaa Wajaale iyagoo sheegay inay bixin karaan oo qudha 80-Milyan arintaasi oo isfaham waa ka dhex abuuri karta Xukuumadda Cusub iyo Shirkada Dp-World.

Waxa jira xaalado tuhun leh oo ku gadaaman Shirkada Dp-World ee ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Dekeda Berbera oo ah isha keli ah ee Dhaqaale ahaan waraabin jirtay Qaranka Somaliland.

Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here