Maxaa Iska Badalay Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Dabadii ? Muxuuse Ku Soo Kordhiyay Wasiir Maxmuud Xaashi Cabdi ? Qalinkii: Sacad Xaaji Gadhle

0
901

Mudo lix bilooda ayaa laga joogaa markii ay iska casileen raxan Wasiiro ahi  xukuumada Madaxwayne Siiraanyo  iyadoo iscasilaadani  ahayd dhacdo ugub ah  oo ku cusub saaxada siyaasda  S/land    waxaanay  sobobtay in isbadal balaadhani ku yimaado dhamaan Wasiiradii Wasaaradaha Dalka mid iyo laba mooyee .

 

Hadaba Wasiirada ugu miisaanka cuslaa uguna hadal haynta badnayd iscasilaadooda  ayaa ahaa Wasiiradii Wasaaradaha  Madaxtooyada  iyo Arimaha Dibada labadan Wasaaradood oo Madaxwayne Siraanyo u magacaabay Laba Wasiir oo Shantii Sanno ee Xukuumada Kulmiye jirtayba laf dhabar u ahaa Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Wasiiradaa oo kala ahaa Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Sacad Cali Shiri  iyadoo qormadan diirada ku saari doono Su’aasha ah . Maxaa iska badalay Wasaarada Madaxtooyada Xirsi dabadii ? Muxuuse soo kordhiyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ? inagoo bulsho waynta S/land u iftiimin doona  Masuuliyiin kala  da”a wayn  oo kala waayo aragsan oo u kala danbeeyay Wasaarada Madaxtooyada .

 

Hadaba iyadoo aynu ka duulayno Maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaahda [Nin gu”u kaa wayni gu’u baas kaa wayn ] waxay dadka dhexdhexaad ka ah ee arimaha siyaasada u kuur galaa  ku tilmaamaan Wasiir Maxmuud Xaashi Cabdi  Siyaasi Qunyar socoda oo Waayo Araga oo marxalado kala duwan ku soo jiray saaxada siyaasada sidoo kale waxay ku tilmaamaan Siyaasi hansan oo higsi fog oo aan marna isku dayin in uu ka baydho ama maroorsado Siyaasada Hogaamineed ee Madaxwayne Siiraanyo isagoo hormood u noqday Masuuliiintii Saaxiibka dhaw la ahaa Mujaahidiinta Hogaamisa Xisbiga Kulmiye isla markaana uu ku ixtiraamay Hogaaminta Siyaasada Guud ee Xisbiga Kulmiye.

 

Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi waa Wasiir Aqoon dheeraada u leh guud ahaan bahda Madax dhaqmeedka deegaan kasta oo ay  ka soo jeedaan Bari iyo Galbeedba Dalka S/land isagoo ku soo kala dhawaysan Taageerada ay kala siiyaan Muxaafid iyo Mucaaradba isagoo ka dhagaysta Ajandaha ay u socdaan  tixgalinta siiya kuwa Danta Guud u socda .

 

Marka si saxa loo qiimiiyo isbadalka hogaamineed ee  laga arkayo  Wasaarada Madaxtooyada waxuu Ra”ayul caamka Bulshada S/land  ka marag kacayaa in  Wasiir Maxamuud Xaashi  mudo gaaban isbadalo la taaban karo laga arkayo Wasaaradii Madxtooyada ee loo soo badalay mudo Lix Bilood ah ka hor isagoo waayo argnimadiisa aqooneed iskugu geeyay Tayaynta shaqo maalmeedka Wasaarada Madaxtooyada .

 

Hadaba tan iyo markii Wasiir Maxamuud Xaashi loo badalay Wasaarada Madaxtooyada waxaa hubaala in uu sare u qaaday habsami u socodka hawlaha baaxada leh ee Wasaarada Madaxtooyadu Qaranka u hayso  iyadoo Wasiir Maxamuud Xaashi meesha ka saaray isku dhacyadii ka dhex dhici jiray Masuuliyiinta Qaranka sida Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Ciidanka Ilaalada Madatooyada dhacdooyinkan oo ku soo noqnoqon jiray Aqalka looga taliyo S/land  Cahdigii Wasiirkii hore ee Xirsi.

 

Sidoo kale Wasiir Maxmuud Xaashi waxuu hormood u yahay Masuuliyiintii u hagar baxay gurmadkii loo fidinayay dadkii ay ku dhacday Abaartii baahsanayd isagoo Hadh iyo Habeenba ka nasan  Taakulaynta iyo Abaabulka gudidii Madaxwaynuhu u xilsaaray Gurmadka Abaaraha  sidoo kale waxuu labin laabay adkeynta  in ay baxdo xogta  shaqo maalmeedka ka socota  Wasaarada Madaxtooyada iyadoo uu xakameeyay in la helo badelka iyo dalacsiinta Masuuliyiinta Laamaha kala duwan ee dawlada .

 

Waxaan qormadan ku soo Afmeerayaa waxay Bulshada S/land ka marag kacayaan in Mudo Shan Sanno iyo dheeraada  oo  Wasiir Maxamuud Xaashi xilka Wasaarada Duulista iyo Hawada Hayay in Dabeecadiisa Shaqsiyeed Caadifad iyo Jawaabo dagdag ah lagu Arkin waana Astaamaha waawayn ee muujinaya Hogaaminta Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi .

 

Qalinkii: Sacad Xaaji Gadhle

Hargeysa,Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here