Masuuliyiintii Degmada Tog wajaale Oo Dhamaantood Xilkii Laga Qaaday Iyo Maamul Cusub Oo loo Magacaabay

0
838

Wajaale, (HargeisaPress) — Gudoomiyihii degmada Tog wajaale Xaashi Maxamed Cabdi iyo ku xigeenkiisii Maxamuud Sheekh Muuse Bookh iyo xog hayihii degmada C/naasir Xasan C/laahi ayaa xilkii laga qaaday iyada oo lamagacaabay mas,uuliyiin cusub.

masuuliyiintan xilka laga qaaday ayaa mudo dheer oo ku siman afar sanadood iyo badh xilka soo hayay, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 8/4/2015 xilka laga qaaday sida ku cad warqada xaambaarsanayd xilka qaadis iyo magaacaabis oo maanta kasoo baxday wasaraada arimaha gudaha kuna saxeexan yahay wasiirka maxamed cali waran cade waxaanay  masuuliyiinta xilalka loo magacaabay kala yihiin.

Gudoomiye: Aaden Muuse Cilmi (shiine)

G/Kuxigeen: Mursal Nuux Cisman

Xoghaye:  Liban Maxamed Jibril

Waxaa xusid mudan in ay tahay markii u horaysay ee degmada togwajaale loo magacaabo Gudoomiye Aadan muuse cilmi (shiine) oo ah masuul qurbo joog ah, kaas oo la filayo in uu wax wayn ka badali doonto baahiyaha adeegyada bulshada ee degmadu u baahan tahay.

magaalada togwajaale ayaa ah magaalo xuduudeed kulmisa ganacsiga geeska afrika somalilandna dhaqaalaheeda door wayn ku leh taasi oo baahi wayn u qabta masuuliyiin aqoon leh oo ku dadaala sidii loo horumarin lahaa guud ahaan degmada togwajaale.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here