Markab Sida Qaxoonti Yemen Ka Yimid Oo Dekedda Berbera Ku Soo Xidhay

0
1133

Berbera, (HargeisaPress) —Markab siday Qaxootigii ka soo qaxay dagaalka Yemen oo xalay ku soo xidhmay dekadda Berbera, ayaa la dajiyey goobo loogu tallogalay inay degaan, isla markaana hay’adaha arrimaha Qoxootiga qaabilsan iyo Xukuumadda oo si fiican usoo dhoweyay.

Markabkan ayaa siday 174 qof oo iskugu jira Soomaali, Ajanabi kale iyo Yemeniyiin, kuwaas oo qof walba halka uu doonayo la dajin doono, iyago masuuliyiinta gobolka Saaxil ay sheegeen in qof kasta rabitaankiisa lagu geyn doono halka uu jeclaado, kii Berbera degaya, kii magaalooyinka kale u socda iyo kuwii Somaliland dhaafayeyba in la anbabixin doonno.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa sheegay in Qaxoontiga oo ay ku jiraan Caruur iyo haween ay Dekedda ku qaabileen Masuuliyiinta Heer gobol iyo kuwa degmada,Wasaaradda dib u dejinta iyo Saraakiil ka socda Hay’adda Qaxoontiga Aduunka UNHCR.

Badhasaabka ayaa sheegay in dadkaasi muddo maalmaha lagu nasin doono magaalada Berbera maadaama ay laba maalmood badda ku soo jireen kadibna qof walba halkii uu u socday uu tagi doono lana siin doono Sahay.

Waxaa hore Dekedda Berbera u soo gaadhay dad ka badan 70 Qof, waxaana Qaxoontiga Markabkani siday noqonayaa Qaxoontigii u badnaa ee soo gaadhay, waxayna xukuumaddu hore u sheegtay inay u diyaar garoobeen wixii qaxooti ah eek a yimaada Yemen, waxaanu wararku sheegayaan inay Maraakib kale oo sida Qaxooti ku soo beegan yihiin dekadda Berbera.

Sidoo kale, Axmed Dhego caleen oo ku sugan dalka Yemen oo khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa ii sheegay inay soomaali faro badani ku xaniban yihiin dalkaaasi, isla markaana ay wheel u noqdeen madaafiicda iyo gantaalaha cirka ee dhinacyaddu is waydaarsanayaan, waxaanu sheegay inay adag tahay in la isku baxo.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa sheegay in intoodda badan dalalkii ay dadkooddu ka joogeen gurteen dadkooddii, balse ay soomaaliddu ku cadiban tahay, kuwaas oo aan weli helin cid usoo gurmata.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here