Mas’uuliyiinta Gobalka Sool ee Xisbiga Waddani oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Sameeyey Siyaasiyiin iyo Taageerayaal ka Soo Diga-rogtay Xisbiga Kulmiye.

0
959

Laascaanood, (HargeisaPress) —Xaflad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana ay Mas’uuliyiinta gobalka Sool ee xisbiga Waddani ku soo dhaweynaayeen  Siyaasiyiin iyo Taageerayaal aad u tira badan oo ka soo diga-rogtay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa lagu qabtay xarunta gobalkaas ee Laascaanood.

Waxaana ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga Waddani, madax-dhaqameed, wax-garad, ganacsato, aqoonyahan, haween, dhallinyaro, taageerayaasha ku soo biiray iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.


Mas’uuliyiinta heer gobal ee xisbiga Waddani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantoodba waxaa ay sheegeen in ay si niyad sami ah ay taageerayaasha isbedel doonka ah ugu soo dhaweynayaan xisbiga Waddani, waxaana ay carabka ku dhufteen xisbiga Waddani uu yahay madal ay si mug weyn ay u wadaagaan dhammaanba bulshada Somaliland isla mar ahaantaana aanu ahayn xisbi la kala leeyahay.

wadani Laascaanood

Ganacsato, aqoonyahan,  haween iyo dhallinyaro iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda waxaa ay iyaguna ku dheeraadeen sida xisbiga Waddani uu u hantay quluubta shacabka Somaliland sida oo kalena uu u yahay xisbiga qudha ee ay bulshada Somaliland ka saari kar marxaladda adag ee wadanku ku jiro una horseedi kara horumar, caddaalad, sinnaan iyo ictiraaf dhabba oo ay Somaliland bulshada caalamka kaga mid noqoto.

 

Ugu danbeyntiina taageerayaasha ku soo biiray oo iyaguna dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan xisbiga Waddani, waxaana ay tilmaameen in ay ku soo hungoobeen xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo ay sheegeen in uu ka been sheegay hadafkii iyo u jeedadii ay shacabka Somaliland u doorteen 2010kii, iyaga oo sida oo kalena dhaliilay siyaasaddiisa hoggaamineed ee dalka, waxaana ay tibaaxeen in ay ka deegaan ahaan si buuxda ay taageero hiil iyo hooba ah ula barbar istaagayaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here