Mashaariic Laga Hirgeliyay Gobolka Gabiley oo Xadhiga Laga Jaray

0
1059

Gabiley (Hargeisa Press) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa maashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay gobolka Gabiley xadhiga ka jaray qaar cusub-na dhagax dhigay.

Mashaariicdaasi oo isugu jiray Dhaamam Biyood oo waaweyn, iyo Ceelal, ayaa laga hirgeliyay deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley, Kuwaasoo qaarkood na ay dhamaadeen.

Dhagax dhiga iyo xadhig ka jarka mashaariicdaasi, waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda horrumarinta Biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Cabdillulaahi Suufi, iyo Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Mashaariicdaasi, waxaa ka mid ahaa Dhaam Biyoodka laga hirgeliyay deegaanka ILINTA oo ku taal Galbeedka gobolka Gabiley, oo laga daahfuray Dhaam waxtar u leh bulshadda deegaankaasi.

Sidoo kale, deegaanka IJAARA oo ku taal Koonfurta gobolka Gabiley, ayaa waxaa isna laga dhagax dhigay Dhaam Biyood weyn.

Wasiirada iyo Badhasaabka, ayaa waxaa ay geesta kale deegaanka Ceel-xaddi ee waqooyiga gobolka Gabiley ay ka dhagax-dhigeen Ceel biyood cusub oo laga hirgelin doono degaankaasi.

Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo ka hadlay mashaariicdaasi horumarineed ee ay qaarna xadhiga ka jareen, kuwo kalena dhagax dhigeen, ayaa sheegay in mashaariicdaasi ay anfaci doonaan dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo badan oo gobolka Gabiley ka mid ah.

“Sharaf iyo guul waxtar leh ayay inoo tahay in aan maanta wada jir xadhigga ugu jarno, dhagax na dhigno, Dhaamam iyo Ceelal biyood anfaci doona dadka iyo duunyada ku dhaqan qaybo badan oo Gobolka Gabilay ka mid ah.

ILINTA oo ku taal Galbeedka gobolka waxaan ka daah-furnay Dhaamka waxtar u leh bulshadda.

IJAARA oo ku taal Koonfurta gobolka Gabiley waxaanu ka dhagax dhignay dhaam wayn. Halka Ceel-biyood na aan ka dhagax-dhignay degaanka Ceel-Xaddi oo Waqooyiga gobolka Gabiley ku taala”. ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Gabiley Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

Geesta kale, Badhasaabka Gabiley, ayaa tilmaamay inay isaga si gaar ah u farxad gelinayso mashaariicda wax ku oolka ah ee sida is daba jooga ah gobolka uga hirgalay.

Cabdiqani Jiidhe, waxa uu sheegay in horrumarka dhinaca biyaha ee ka hirgalay gobolka Gabiley ay dhawaan meesha ka saarayso baahi kasta oo biyaha ah oo hore gobolka uga jirtay.

Waxaanu yidhi, “Biyaha oo tiirka koowaad ee noolaha dhammaantiis ah, ayaa i farxad gelinaysa horrumarrada is daba-joogga ah ee ka gobol ahaan aynu ku talaabsanay. 

Waxaanan rejaynnayaa dhawaan in guud ahaan ilaa xad aan hoos u dhigno ama aan meesha ka saarno baahi kasta oo biyo ah”. 

“Waxaana qaddiyaddan asaaska u ah nolasheenna ahmiyadda weyn ee ay siiyaan ku bogaadinayaa, xukuumadda Kulmiye ee uu hoggaanka inoogu yahay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo guulo waaweyn qarankan JSL u horseeday” ayuu yidhi Badhasaab Cabdiqani Maxamuud Jiidhe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here