Ciidamada Qaranka Somaliland oo Khasaare Xoogle Gaadhsiiyay Maamul Goboleedka Puntland

0
6324

Buuhoodle (Hargeisa Press) – Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle, ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal aad culusi uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Dagaalkan, ayaa waxaa ay lagu soo waramayaa in khasaare xoogle lagu gaadhsiiyay maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Dagaalka, ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qararro oo ka tirsan magaalada Buuhoodle oo ay Somaliland gacanta ku hayso.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan Maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland lagaga dilay ugu yaraan illaa 3 askari, halka lagaga dhaawacay 7 kale.

Waxaa sidoo kale Ciidamada qaranka Somaliland dagaalkan ay maleeshiyaadka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay kaga qabsadeen gaadiid nooca dagaalka ah.

Wixii warara ee ka soo kordha kala soco Hargeisapress

LEAVE A REPLY